Somalia: Turkiga Oo Ka Dhabeeyey Inuu Dhiso Ciidamada Maamulka Muqdisho Iyo Taliyaha Ugu Sarreeya Ciidamadiisa Oo Muqdisho Ka Furaya Xero Milatari

102

Kadib burburkii dawladdii dhexe ee dalkaasi Soomaaliya oo aanay wax dawlad ah oo awood lihi ka hana qaaday illaa maanta waxa dalkaasi aafeeyey dagaalo sokeeye oo noocyo badnaa oo uu ugu dambeeyey kan wakhtiga maamulka dalkaasi ee taagta darani kula jiro maleeshiyaadka Al-shabaab iyada oo aanay ciidamada dalkaasi awood u lahayn ay kaga soo kabtaan burburkii dawladooda ku yimid.
Wixii intaa ka dambeeyey waa markii ugu horraysay ee dawlad awood badani si rasmi ah ugu dhawaaqdo in ay ciidamada Soomaaliya tayaynayso oo ay taageero mug leh siinayso wakhti dawladda Turkigu si rasmi ah xadhiga uga jarayso saldhiggii ugu weynaa ee dhinaca tababarka ah oo ay ka hirgelisay xeebaha magaalada Muqdisho u dhaw.
Taliyaha Guud ee Ciidamada dalka Turkiga Hulusi Akar iyo wafdi uu horkacayo ayaa shalay gelinkii hore ka soo degay Garoonka dayuuradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kaasi oo la sheegay in uu u socdo arrimo dhinaca Milatariga ah. Waxaa wafdigan si diiran ugu soo dhoweeyey garoonka Aadan cadde Taliyaha Ciidanka Maamulka Taagta daran ee Muqdisho Maxamed Axmed Jimcaale Geeddi iyo saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay Danjiraha Turkiga u fadhiya Magaalada Muqdisho Ambasador Olgan Baker.
Waxaa wafdigaasi isla markiiba loo galbiyay xarunta Safaaradda Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho, halkaasoo ay kulamo uga socdaan mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Muqdisho. Socdaalka taliyaha Turkiga ayaa la sheegay iney hordhac u tahay wafdi Ballaadhan oo ka socda dowlada Turkiga kaasoo ka qeyb geli doona munaasabad xadhiga lagaga jarayo saldhig milateri oo Turkiga ka hirgeliyayay duleedka magaalada Muqdisho, kaasoo loogu talagalay in lagu tababaro ciidanka maamulka Muqdisho. Dalalka jaarka la ah somaaliya ayaa walaac weyn ka muujiya dhaqdhaqaaqa Milatari ee Turkigu ka wado Soomaaliya.
Xaaladda ciidamada magaalada Muqdisho ayaa u muuqata kuwo aad uga faa’iidaysan doona dawladda Turkiga.

Comments

comments