Nuxurka Kulanka Chelsea Vs Man City Iyo Ciyaaratayada Seegi Doona Kulankan Ee Labada Kooxod

Kulanka ugu adag Premier League-ga waxa uu toddobaadkan dhexmari doonaa Chelsea iyo Manchester City.

Labadan naadi oo ka mida kuwa sida adag ugu loolaaya ololahan Premier League-ga ayaa ahdaaf kala duwan ku kala leh kulankan.

City hadii ay badiso waxa ay Chelsea ka sarreyn doontaa 6 dhibcood oo saafi ah halka ay ay Blues badiso ay isku dhibco noqon doonaan.

Maxaa ka cusub labada naadi?

-David Luiz wali wuu ka ganaaxan yahay waxaase bedeli doona Andreas Christensen.

– Danny Drinkwater waa dhaawac ilaa iyo inta laga soo laabanaya kulamada qaramada.

-Pedro wuu soo laaban doonaa kaddib markii uu seegay kulankii Atletico Madrid.

-Is bedelo kooban ayuu ku qasbanaan karaa Conte in uu sameeyo.

Man City

– Benjamin Mendy waxa uu wajahayaa dhaawac muddo dheera oo uu garoomada uga maqnaan doono waxaase booskiisa ka dheeli doona midkood Danilo ama Fabian Delph.

– Vincent Kompany uma safan City tan iyo dabayaaqadii Agoosto uma muuqdo mid boos heli doona.

– Sergio Aguero waxaa jabtay feedh taas oo seejin doonta kulankan adag.

RAADRAAC

-Chelsea 10 ka mida 12kii kulan ee ugu dambeeyey Premier League-ga wey badisay.

-Manchester City 9 ka mida 10kii kulan ee ugu dambeeyey Premier League-ga wey guuleysatay.

-City 5 ka mida 7kii kulan ee ugu dambeeyey shabeeqa gool wey ka ilaalisay

Comments

comments

SHARE