Somaliland: Ramaax oo Sheegay reer Saaxil Inay Diideen Aamina-weris in la Doortan, Cabashadooduna Daw-daro Tahay

177

[Reer Sheekhow] Marka aydin KULMIYE ka Cabanaysaan, ee Aamina-weris lagaga Badiyey Dariiqadda (Dariiqada Sheekh)…”

Badhasaabka Togdheer Maxamuud Cali Saleeban Ramaax

Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleeban Ramaax, ayaa dib usoo faqay utunaha iyo godobtii gobolka Saaxil, gaar ahaan reer Sheekh ka galeen Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Jirde (Aamina Weris), oo u dhalatay gobolka Saaxil, kuna dhalatay weliba Dariiqada duleedka degmada Sheekh, doorashooyinkii aqalka Madaxtooyadda ee 2003-kii iyo 2010-kii, labada doorasho, oo Xisbigii odaygeedu ka sharaxnaa ee KULMIYE u Cod-yar ka helay labada jeerba ka helay deegaankii uu xididka la ahaa ee Marwadiisu kasoo jeeday.

Badhasaabka Gobolka Togdheer oo shalay ka hadlaayey Munaasibad Xisbiga KULMIYE u qabtay xubno kasoo baxay Xisbiga Waddani oo kusoo biiray Xisbiga KULMIYE, waxa kaloo uu ku tilmaamay xaajo aan gar ahayn cabashada bulshada gobolka Saaxil, had iyo jeer kaga cowdan Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda ka dhalatay ee u gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo, isagoo daliishanaya sidii bulshada degmada Sheekh doorashooyinkii u qadiyeen Xisbiga KULMIYE, sidaas darteed cabashada deegaanka ee dambe ay tahay mid aan xaq loogu lahayn Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiisaba, badhasaab Maxamuud Cali Saleeban Ramax isagoo ka hadlaya arrimaha tagay iyo soo socda intaba, waxa yidhi,

“… Marka Xisbi soo baxo waxa lagu xisaabtamaa, maxay halkaasi (Deegaan) ku gashay, Waar (Reer Sheekhow) marka aydin KULMIYE ka cabanaysaan, markaa Aamina Weris lagaga badiyey dariiqada (Dariiqada Sheekh), ma inay iyaddu cabato ayey ahayd, mise in aynu inaggu cabano, waa inaynu runta isu-sheegno. Waayo? laba jeer ayaa Gurigii ay ku dhalatay ee dariiqada (Sheekh) lagaga badiyey, waa wax u sheegan karaa, maxaynu gashanay KULMIYE, markaynu leenahay KULMIYE, wax na yeelay iyo kulmiye ayaa wax noo dhimmay. Haddaba Maanta todoba sannaadood ayaa laga joogaa Maalintaa hore, hase-ahaatee Shiikhey idinka yeeli mayno Inaan-yarbaa meel u guuray iyo inaan-yarbaa calan la caraaray ee waxa la iidinka rabbaa Maanta waxaad KULMIYE gashan lahaydeen..”.

Comments

comments