Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka oo ku dhawaadey xuduudka Kuuriyada Waqooyi

Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka nooca loo yaqaan B-1B Lancer ee ku duula jooga aadka u sareeya ayaa duulimaad ku sameeyey meel aad ugu dhaw biyaha dalka Kuuriyada Waqooyi.

Diyaaradaha dagaalka ayaa maray biyaha caalamiga ah meel aad ugu dhaw Kuuriyada Waqooyi oo ah halkii ugu dhaweyd ee ay garaan muddo ku dhaw 20 sano.

Dana White, afhayeenka xarunta gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ayaa sheegtay in tani tahay ahayd dhoolatus milteri oo kamid ah awoodaha gacanta ugu jira Madaxweyne Donald Trump.

Xiisada gacanka Kuuriyada ayaa marba marka ka danbeysa ka sii daraysa, waxaana arrinta dab iyo gaas ku shidey hadalada ka soo baxaya Madaxweynaha Maraykanka Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriayda Waqooyi, hadaladaas oo Wasiirka Arrimaha dibadda ee Ruushku ku sifeeyey sida ciyaal iskool isku buuqey oo kale.

Comments

comments

SHARE