Somaliland: “Waa Fariin Ku Socota Cabdale Sandheere, Waakan Ninkii Kaa Adkaa, Ee Kaa Siyaasisanaa Ee Kaa Waayo Aragsanaa, Cabdallow Waxba Halkaasi Kuuma Yaalaan Ee Kulmiye Noogu Kaalay”…………. Badhasaab Ramaax

Badhaabka Gobolka Togdheer Maxamud Cali Saleeen Ramaax ayaa fariin culus u diray Xildhibaan Cabdale Maxamed Carab (Cabdale Sandheere) oo dhawaan iska casilay Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE,Waxa uu fariinta ugu sheegay inuu dalka ku soo laabtay siyaasi uu sheegay inuu Cabdale Sandheere kaga awood badan yahay dhinaca siyaasada Gobolka Saaxil,waxaana uu sidoo kale ugu baaqay inuu dib ugu soo noqdo Xisbigii Kulmiye ee uu iska casilay.
Badhasaabka Gobolka Todheer Maxamuud Saleebaan Ramaax oo sidan ka sheegay maruu shalay khudbad ka jeediya soo wayn balaadhan oo ay siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Saaxil ee Kulmiye kujira,Masuuliyiinta sare ee KULMIYE iyo Taagarayaal Cudud lihi Garoonka Cigaal ku soo dhaweeyeen siyaasi Ibraahim Xaaji Cabdi oo ka mid ah Siyaasiyiinta miisaanka culus ee ka soo jeed Gobolka Saaxil,kaasi oo ka soo laabtay Safar uu mudooyinkii dambe ugu maqnaa Dalka Canada.Waxa ay Siyaasiyiintaaasi Shalay soo dhaweeyay Masuulkaasi carabka ku adkeeyeen in Siyaasigaasi uu dalka ugu soo laabtay si uu dagaal siyaasadeed ula gali lahaa Siyaasiyiin ay isku gobol ka soo wada jeedaan oo ku biiray Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDDANI kuwaasi olole xoogan maalmihii u dambeeyay ka waday Gobolka Saaxil,Waxaana siyaasiyiintaasi ka mid ah Xildhibaan Cabdale Sandheere oo ka tirsan Golaha Deegaanka Berbera oo dhawaan iska casilay Kulmiye kuna biiray Xisbiga WADDANI.
Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamuud Saleebaan Raamax oo isaga laftiisu deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Saaxil oo fariintiisa ku socodsiiyay Cabdale Sandheere ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Waa Fariin ku socota Rag faro isdaawiyay,oo uu ka mid yahay Saaxiibkay Cabdale Sandheere, illayn xaqiiqada ayaan ka hadlaynaaye,Waxa weeyaan nin yidhaahda aniga ayaa reer Hebel ii xidhan yahay,Iyo Nin yidhaahda aniga ayaa Maftaaxa Berbera haysta inay been tahay ayaanu umadda u sheegaynaa,waakan ninkii Cabdale ka adkaa,ka siyaasisanaa,ka waayo aragsanaa,
Waxa kale oo uu yidhi“Been sheegi maayee,Fariinta aan u dirayaa waxa weeyi,Cabdalaw Halkaasi waxba kuuma yaalaan,adiga iyo Saaxiibadaaba, Siciid Cilmi Rooble-ba waa intaanu odhan jirnay uune Saaxiib noo kaalay”.
Dhinaca kale Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen oo hadda ka mid ah Saraakiisha sare ee Xisbiga Kulmiye oo Shalay Garoonka Cigaal ku soo dhaweeyay Siyaasi Ibraahim Xaaji Cabdi ayaa ka hadlay taariikhda uu leeyahay Siyaasigaasi,Waxaana uu yidhi “Waa nin saraakiishii waa weynayd ee Reer Somaliland ahaa,Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi-na ay jaamacad ka wada baxeen oo Maraykanka loo wada diray,Markii dambena Dalka raggii wax ka dhisay ee Beeralayda ahaa ee Wax soo saarayay ee siyaasada iyo labadaba kujiray ayuu ahaa, Waxaan leeyahay Ibraahim soo dhawaw”. Ayuu yidhi aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo imika ka mid ah xisbiga KULMIYE.

Comments

comments

SHARE