Somaliland: Socdaalkii Masuuliyiinta Waddani Ee Gobolka Awdal Iyo Halku Dhegyadii Shucuubta Dila Iyo Boorama Ay Ku Qaabileen Weftigii Xisbigaasi + Sawiro

149

“Waxaynu Doonaynaa Qaran Dadka Walaaleeya Oo Aan Kala Qoqobin, Qabyaaladna Ku Dhex Beerin Sida Hada Kulmiye” Murashax Cabdiraxmaan Ciro

Shucuubta taageersan xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ee ku dhaqan gobolka Awdal ayaa qaabilay wefti balaadhan oo uu hogaaminayey Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) iyo ku xigeenkiisa Ambassador Maxamed Cali Cabdi oo socdaal ugu baxay maanta gobolka Awdal.
Dadweynaha magaalooyinka Dila iyo Boorama ayaa tubnaa jidadka waawey, waxaanay si balaadhan usoo dhaweeyeen weftiga xisbiga Waddani iyagoo ku dhawaaqayey halku dhigyo ay ku muujinayeen taageerada ay u hayaan xisbiga Waddani, waxaanay lulayeen calanka astaanta u ah xisbiga Waddani iyo Caleemo qoyan.
Marka aad u soo dhawaato Taageerayaashan xisbiga Waddani ee gobolka Awdal ayaa waxa dhagahaagu ay maqlayaan lalku Dhegyada ay ku soo dhaweynayeen masuuliyiinta xisbiga Waddani waxay ku dhawaaqayeen hadalo ay ka mid ahaayeen, Guusha yaa leh? Waddani-baa leh, Axyaa Waddani, waxaanay si gaar ah oo aan kala joogsi lahayn ay taageerayaashaasi ugu dhawaaqayeen (Muusaa Yaabay, Muusaa Yaabay) oo ay ula jeedeen cududa taageerada xisbiga Waddani uu haysto in Musharaxa Kulmiye ay ka yaabisay.
Waxaana masuuliyiinta xisbiga Waddani ay khudbado kala duwan oo ka turjumaya ujeedada safarkooda waxay u jeediyeen taageerayaasha xisbgia Waddani ee ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee gobolka Awdal, iyagoo ugu baaqay inay taageeradooda xisbiga Waddani ay adkaystaan.
Ugu horayna Gudoomiyaha xisbiga Waddani oo khudbad qiimo badan u jeediyey shacabka Boorama ayaa waxa uu yidhi “Insha Allaahu, hadafka xisbiga Waddani waxa weeyi in aynu wada dhisano qaran aynu leenahay, qaran aan cidi kala lahayn, qaran aan cidi gaar u lahayn, qaran aan qabiilna gaar u lahayn. Waxaynu dhisaynaa qaran aanu nina qabiil wax ku heli karin nina wax ku waayi karin, waxaynu dhisaynaa qaran aan cid loo burin karin cidina aanay qadi karin.
Waxaynu doonaynaa qaran dadka walaaleeya oo aan kala qoqobin qabyaaladna ku dhex beerin sida hada Kulmiye.” Ayuu yidhi Murashax Cabdiraxmaan Ciro, waxaanu intaasi ku daray in xisbiga Waddani uu dhisayo qaran dhalinyarada daryeela oo shaqo abuur u sameeya.

Comments

comments