Somaliland: Gudoomiye Cirro Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Saaka Kasoo Baxay Burco,Kuna Soo Jeeda Magaalada Berbera Iyo Ujeedada Socdaalkooda

Gudoomiyaha ahna murrashaxa madaxwayne ee xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa magaalada Burco ayaa saaka dib ugu soo jihaystay magaalada Hargeysa.

Waxaana waftigan ay lugtooda ugu horeeya ay kasoo bilaabi doonaan magaalada Sheekh oo ka tirsan gobolka Saaxil,iyaga oo la filayo inay ku yara nastaan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil,intaasi ka dibna ay  dib ugu so noqdaan magaalada Hargeysa.

Waftigan ayaa la filayaa inay Berbera kaga qayb galayaan soo dhawayn loo samaynayo taageerayaal kusoo biiray xisbiga WADDANI.

 

Waxaana waftigan la filayaa in maalinka Khamiista haddana ay u xadhko xidhaan dhankaa iyo gobolada galbeedka Somaliland.

Comments

comments

SHARE