Breaking News: Ganacsade Boreh Iyo Musharraxa KULMIYE Muuse Biixi oo Kulan Qarsoodi ah Dubai ku Yeeshay

Date:

Musharraxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo xubno ka tirsan golaha ee Wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa kulan qarsoodi ah Magaaladda Dubai kula yeeshay ganacsadaha reer Jabuuti ee debed-meerka ah Cabdiraxmaan Booreh, kulanka labada geesood oo aan saxaafadda loo ogolleyn awgeed. Ma jiro War kasoo baxay labada dhinac oo si cad daboolka uga qaaday ujeedada iyo maxsuulkii kasoo baxay kulankaa.
Hase-yeeshee xoggo kulanka la xidhiidha oo Wargeyska Yool ka helay ilo-ku sugan Manqada Dubai, waxay tibaaxeen is-aragga Musharraxa Xisbiga KULMIYE iyo ganacsade Cabdiraxmaan Booreh inuu fikirkiisa lahaa Wiilka Sodogga Madaxweyne Siilaanyo u yahay, ahna Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Md. Baashe Cawil, oo isaggu sida illuhu tibaaxeen arrinkaa ku keenay inuu ganacsade Cabdiraxmaan Booreh gacan dhaqaale ka geysto oloollaha madaxtimada ee Musharrax Muuse Biixi, waxana Wararku intaa ku darreen, markii fikirkaa safiirku soo jeediyey inay la qaateen Musharrax Muuse Biixi iyo Wasiiradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan.
Waxa kaloo, illaha Wargeysku xogtan ka helay intaa ku dareen in kulanka Musharrax Muuse Biixi iyo ganacsade Cabdiraxmaan Booreh uu qabsoomidiisu suurto galay Axaddii doraad, waxa xogguhuu xuseen in kulanka Musharraxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi iyo ganacsadaha reer Jabuuti ee debed-meerka ah ay ku weheliyeen Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Baashe Cawil. Inkastoo illuhu ka gaabsadeen inay xusaan cadaad ahaan dhaqaalihii ganacsade Boore geestiisa ku yaboohay inuu kaga qayb-qaato ama ku caawiyo olloollaha Madaxtimo ee Musharrax Muuse Biixi, balse haddana illuhu waxay xuseen in Musharrax Muuse Biixi iyo labada xubnood ee kulanka ku weheliyey aanay faro-madhnaan halkaa kala laaban.
Ganacsadaha reer Jabuuuti ee debed-wareega ah Cabdiraxmaan Booreh, oo isagga iyo Xukuumadda Jabuuti uu ka dhexeeyo colaad Siyaasadeed oo qoto-dheer, ayaa tan iyo horaantii 2016-kii wixii ka dambeeyey, waxa ganacsade Booreh uu xidhiidh dhow, oo ganacsi iyo Siyaasad-ba leh uu la lahaa Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo sidoo kale Wiilka Sodogga Madaxweynuhuu u yahay, ahna Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta, halkaasoo ganacsade Booreh u ah fadhiisin tan iyo intii uu debed-wareega ka aha Jabuuti.
Wallow mudada wixii ka dambeeyey aanu xidhiidhka ganacsade Booreh iyo Madaxtooyadda Somaliland Sir ahayn, oo caruur iyo Cirroole-ba bulshada Somaliland hadal haynta arrinkasi sheeko caadi ah dhex-dooda ka noqday, balse haddana dadka Siyaasadda u dhuun-daloola qaarkood waxay iswaydiinayeen, isla markaana isu-qaban waayey Madaxtooyadda Somaliland siday isula helashay inay is-waafajiso xidhiidhka Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Saaxiibtimada Ganacsade Booreh.
Teeda kale, waxa isa-soo tarayey, oo marba marka dambeeya soo baxaayey Warar iyo xogo kala duwan, kuwasoo qaarkood sheegayeen in ganacsade Booreh uu darafka yahay heshiiska Shirkadda DP World iyo Somaliland ee Dekedda Berbera, oo uu ku leeyahay saami dhan %5, heshiiskaas oo sida Xukuumadda Somaliland sheegtay kolkii hore ka koobnaa laba daraf oo ah Somaliland iyo Shirkadda DP World, kuwaasoo kala leh %65 Shirkadda DP World leedahay iyo %35 Somaliland leedahay. Hase-yeeshee mar dambe waxa soo baxay Dawladda Itoobiya inay heshiiska dekedda Berbera daraf ka tahay oo ay saami ahaan ku leedahay %19, sidaana warbaahinta waxa uu cadeeyey Wasiirka Ganacsiga Somaliland Cumar Shucayb.
Taasi markii ay dhacday, waxa dadka siyaasadda Somaliland ka faallooda qaarkood ku doodaan in saamiga gancsad eBooreh inaan la da’firi Karin oo u yahay wax jiraa saamiga la sheegay ganacsade Booreh inuu ku leeyahay Dekedda. Geesta kale, Warar aan la xaqiijin, ayaa lagu sheegay ganacsade Maxamed Aw Siciid Geedi, oo isna ah ganacsade reer Jabuuti ah inuu door ku lahaa suurta-gelinta kulanka hadda ee Musharrax Muuse Biixi iyo ganacsade Cabdiraxmaan Booreh ee dalka Imaaraadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...