Eden Hazard oo Costa ku qal qaalinaya inuu dib ugu soo laabto garoomada

Eden Hazard ayaa aad u doonaya in saaxiibkii Diego Costa uu cadaawada god ku rido isla markaana dib ugu soo laabto garoomada.

Costa ayaa diiday inuu dib uga soo laabto dalka Brazil oo uu ku maqan yahay muddo saddex bilood ku dhow kaddib markii loo diray fariin sheegeysa inaan loo baahynayn inkastoo ay  Marca daabacday xalay inuu ugu dambeyn dib ugu soo laabtay London.

Laakiin warar ku dhow dhow Chelsea ayaa beeniyay in Costa uu soo laabtay.

Sikastaba, Hazard ayaa doonaya inuu saaxiibkii markale la soo galo garoomada isagoona yiri:

“Costa iyo aniga waxaan wada ciyaareynay 3 sano, wax kasta ayaan ku wada guuleysanay marka laga reebo Champions League.

“Farxad ayay ii tahyay inaan la ciyaaro isaga, waa ciyaaryahan sare oo leh saqsiyad sare.

“Waxaan jeclaan lahaa inuu dib u soo laabto,laakiin anigu ma sameeyo go’aamada.

“Waxaan rajeynayaa inuu xal helo si aan u aragno isagoo goor dhow ku soo laabanaya garoomada.”.

Comments

comments

SHARE