Andres Iniesta oo beeniyay inuu heshiis la gaaray Barcelona

Kabtanka kooxda Barcelona ee Andres Iniesta ayaa beeniyay war uu faafiyay madaxwaynaha Barca ee Bartomeu.

Madaxwaynaha Barcelona ayaa sheegay in Andres Iniesta uu heshiis is afgarad ah la gaaray kooxda si uu u saxiixo heshiis cusub.

Laakiin kabtanka Barcelona oo saaka dib ugu soo laabtay kooxda ayaa la waydiiyay inuu heshiis la gaaray kooxdiisa, wuxuuna ku jawaabay “MAYA”.

Andres Iniesta ayaana beeniyay warkii madaxwaynaha Barcelona, iyada oo la ogsoonyahay in qandaraaskiisu uu dhacayo dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Waxaa xusid mudan in Andres Iniesta uu xiiso ka helayo kooxda Juventus oo doonaysa inay ku hesho qaab bilaash ah.

Comments

comments

SHARE