Min Romelu Lukaku Ilaa Chamberlain – Waa Kuwee 10-ka Saxiix Kuwooda Ugu Qaalisan Oo Ay Soo Iibsadeen Kooxaha Premier League Xagaagan.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda qaar ka mid ah horyaalada qaaradda yurub ayaa soo xirmay, balse Sky Sports ayaa soo calaameysay saxiixyadii ugu qaalisanaa oo ay kooxaha Horyaalka Premier League Sameeyeen.

Kooxaha Man United iyo Chelsea ayaa sameeyay labada saxiix ee ugu qaalisan xagaagan horyaalka Premier League madama ay soo iibsadeen – Romelu Lukaku oo 75 Malyan oo Pound ku yimid Old Trafford iyo Alvaro Morata oo 70 Malyan oo Pound ku yimid Stamford Bridge.

Liiskaan uu soo bandhigay hillinka Sky Sports waxaa ugu dambeeya xidiga ay shalayto Liverpool ku dhawaaqday heshiiskiisa ee Alex Oxlade-Chamberlain.

1. Romelu Lukaku – £75m, Everton → Man United

Lukaku wuxuu u muuqday mid ku xasili doona garoonka Stamford Bridge, balse ugu dambeyntii sheekada waxey kusoo biyo shubatay inuu Jose Mourinho kula midoobo garoonka Old Trafford.

Weeraryahanka reer Belgium wuxuu xirtay maaliyadda casaanka ah isagoo 71-gool u dhaliyay Everton 133-kulan oo uu u saftay.

2. Alvaro Morata – £70m, Real Madrid → Chelsea

Chelsea ayaa si geesinimo leh ugu dhaqaaqday soo xerogalinta Alvaro kadib markii ay ku waayeen Romelu Lukaku si uu badal ugu noqdo Diego Costa oo careysan.

Xidigii hore Juventus iyo Real Madrid ayaa noqday saxiixa ugu qaalisan ebid kooxda Blues sidoo kale wuxuu noqday Spanish-kii ugu qaalisanaa taariikhda.

3. Alexandre Lacazette – £52m, Lyon → Arsenal

Arsenal ayaa jabisay rikoorkeeda suuqa kala iibsiga ciyaartoyda markii ay 52 Malyan kusoo xerogaliyeen weeraryahanka reer France Lacazette.

Kulankiisii ugu horeeyay shabaqa ayuu soo taabtay, balse wali wuxuu u baahan yahay la qabsi waase xidiga sadexaad ee ugu qaalisan horyaalka xagaagan.

4. Kyle Walker – £50m, Tottenham → Manchester City

Daafaca xulka qaranka England Walker ayaa noqday daafaca ugu qaalisan dunida markii uu 50 Malyan oo Pound ugu wareegay kooxda Manchester City. 27-jirkii hore Spurs wuxuu ka mid ahaa xidigaha ugu fiican kooxdiisa, balse wuxuu doortay inuu ka hoos ciyaaro Pep Guardiola.

5. Benjamin Mendy – £49.2m, Monaco → Manchester City

23-jirka qaranka France Mendy ayaa ka mid noqday xidigaha malaayiinta lagu qarash gareeyay ee lagu dhisay kooxda Manchester City. xidigaan wuxuu Monaco ka saaciday iney 17-sano kadib ku guuleysato horyaalka faransiiska sidoo kalana ay gaarto semi final-ka Champions Leagu.

Sidoo kale waxaa jira dhawr saxiix oo soo raaci doona shantaan saxiix kuwas oo dhameystiraya 10-ka xidig ee ugu qaalisan xagaagan horyaalka Premier League.

6. Naby Keita – £48m – RB Leipzig to Liverpool

7. Gylfi Sigurdsson – £45m, Swansea to Everton

8. Bernardo Silva – £43m, Monaco to Manchester City

9. Nemanja Matic – £40m, Chelsea to Manchester United

10. Alex Oxlade-Chamberlain – £40m, Arsenal to Liverpool

Comments

comments

SHARE