WADDANI: Guddoomiyaha Ku Meel-gaadhka Ah Oo Hakiyey 9 Guddi Oo Musharraxa Xisbigu Magacaabay

62

Guddoomiyaha Ku Meel-gaadhka ah ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa hakiyey Wareegto uu Musharraxa Xisbigaasi Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu ku Magacaabay 9 Guddi.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Ku Meel-gaadhka ah ee Xisbigaasi Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, kaasi oo soo gaadhay Himilo Media Group, waxaanu u dhignaa sidan:-

Ku; Dhammaan Xubnaha Guddiyada.                                                 Hargaysa.

Og: Guddoomiyaha Xis   WADDANI.                                                    Hargaysa.

Og: Hoggaanka       Xis      WADDANI.                                                   Hargaysa.

Og: Hoggaamiyaha Xis  WADDANI.                                                        Hargaysa.

Og: Xoghaaha Guud Xis  WADDANI                                                        Hargaysa.

Ujeeddo: Hakin Liiskii Guddiyada.

Kadib markii aan la tashaday Murashaxa Xisbiga, oo xiligan ku maqan gudashada waajibaadka Xajka, markii aanu isla qaadanay in dib u eegis iyo sixitaan lagu sameeyo guddiyadii la magacaabay, waxa la go’aamiyay in liiskii guddi hawleedkii soo baxay, uu aha mid aan dhammays tirnayn, isla markaana qaybo kala  duwani ka dhinayeen, sidaa daraadeed guddidaas waa la hakiyay, mana hawl galayso ilaa la dhammays tiraayo.”

Xil. Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde……….

Guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI.

Comments

comments