Somaliland: Gabay Midho Culus Oo Ka Digaya Adduunyo-gedoonka Dhaqanka Bulshada Surma-seegtada Sugaysa Jiilka Soo Koraya

139

Waxaa Curiyey Abwaan Cabdiraxmaan Cumar Cashuur (Baadi-doon), Waxaanu soo baxay August Horaanteedii 2017-ka

“Sad bursiimo qaar baa ku helay silican waayaha’e,

Inta saaruq kuu haad heshay iyo saxal shuraakoobay,

Suryadaad ka laabtaba badh baa soodh la yuurura’

Si ay Saamaha Uugala baxaan tan aan siniineynin”

“In dhaweydba soofaha ma marrn, Seeftii maansada’e

Sufurtaba kamaan tumin tixihii soodhaha lahaaye

Bulshadaan ku saydh-saydhi jiray Ararta suugaanta

Sanqadhaba xaggii aan u dayay uma senyaaleyne

Hadaan kala sarriigiyo ku badan suuqdi ku abwaanku

Oonay dhaqanka siiroo ka dhigin suqusha Faysbuugu

Oon lagu sayixin foolxumadda kama saqaafeene

Sidaas aawadeed bay iigu wacan inaan ka soomaaye

Caawana wax bay seleliyee sooh isma lahayne

Waxaan saniyay Ganayoow dhawaqa aan sarre u qaado

Sagsaaga iyo khiyaamada musuqa saasintiyo boobka

Sarmo badatay suuskiyo goflaha sibilka dhuun yeedhay

Ee bahal ba bahal ugu sanqaday jeebyaraha siriray

Uu sabar kastaba ugaga dhacay waranku seefaysku

Ee saxa jidhiidh laga helliyo saato la cadeeyay

Sibraar maydhanaan lagu shubtiyo sixi ka caydhoobay

Uu seyn-cadaa wuxuu yaqiin sabi ka ciideeyay

Salaankii xishoodkana Ilbixu nagala soo siibtay

Salsaluuqa foomkiyo anshaxa suuko iyo dhoore

Saqajaankan waxay kaga daydeen sayladaha kale’e

Iyaddoo safaariya macsida la isku sooryeeyay

Sodoh iyo gashaanti iyo carmali seenyo iyo doobab

Sawir qaawan daawuu ku dilay saamaleelkani

Waxaa saawir dhaayaha ka dhigay, Zuumta cawradda’e

Surwaalkaa ka dhacay wiilashuna waa sanboor dhaqane

Wadda hadalka Soomaaliday sinno wadaagaane

Soo qaadka taariikh mar hore lagugu suuldaaray

Wax baa si ah dadkuna kuma sablado inay su’aalaane

Saawa-saawahay moogyihiin ay ku sugan yiine

Seedaha wahaabiga ku jaray soo dhaweyn ma leh

Sumcad guurka iyo ceebta waa la isku saacidaye

Waxaa waa baryaba saaqan shalay, mid aan sumaysnayne

Mimbarkii sufahadaa dalkii saaran Caliyowe

Waa suuq madow cullimaddii saafiga ahayde

Sumad laawe lama qoonsadiyo sumal-xad reeraha’e

Salkaa tabiyay qararkaa guryaha gaadhay saqafkiiye

Sin-saarada caqiiqadada bidcada saadhiga u gelisay

Basaskaa caruurtay sideen waa salool yidhiye

Rasuulkeenii sida laga warshay ee dhigay saxeexaynku

Sankay nagu hayaan tobankii hadhay sharadu saacaha’e

Waa sababayntii dijaal duulkan siqayaaye

Waxaad sii jaleecdaaba waa siidhigoo dhaca’e,

Sareediyo wanaag wuu galbaday loo sid tiriyaaye

Seerma waydadaa gabashiday iyo dhibacan seerseeray

Ee saricii beeruhu u ba’ay suququlkaa rayska

Ee xoolihii u sunsumeen sadaqad loo diiday

Sad bursiimo qaar baa ku helay silican waayaha’e,

Inta saaruq kuu haad heshay iyo saxal shuraakoobay

Ama suus shacbiga daashatuu la sakaraadaayo

Abaaraha ta roobkaa u sikhiran, jira Sidiiqowe

Suryadaad ka laabtaba badh baa soodh la yuurura’e

Si ay Saamaha Uugala baxaan tan aan siniineynin

Sideetan iyo labadaa bulshada sudhani ay eeday

Wuxuu suuli kaga dhacay qasdigu subaxay doorteene,

Golayaashan soocee gagada sifirka qoys keenay

Ka soo rayn malaha jeer hadaan la iska salabayne

Ha yeeshee intay sidato weli qaar hore u sahayday

Ee ay sokeeye u taqaan tuug sibraha jaraya

Ee ay la wadda soogan yiin kaayagaan saxanta

Ee ay bulshada seegan tahay see inoo danadu

Sooladay ka lulatiyo iyagaa saymaha is baday’e

Saan-saanta way kala fog-yiin siinadii qaran’e

Kolba sagagar ha u soo gashaddo suudhadh baadida’e

Afartaa saliilyadda shacbiga gees kastaba seegay

Ee weli silsiladdii ku xidhan seelada qabiilka

Inta qodob saluugliyo intaan suuragal u muuqan

Si sareex ah dhaawaca qarsoon ma ugu sababeeyay

Sunbo fiiqan siisoo af leh iyo sabaraddii dhagaxa

Sadexdaa midkood iyo anoon duubihii sidanin

Salaxaan dhaqaaqaynin baan saar is leeyahay’e

Suxuladu waxay igu murxeen xaal an soconayn’e

Arrinkaygu waa saxare ban ah sarab ka raadcee’e

Sakatiga dar aan ilaba qabin aan la sara joogo

Ka soo yaaca bahalada waan ku sandulays nahay’e

Iyagoo sawaxankaba maqlayn salafka Tii aarka [TR]

Bal aan saalbo saalbo ugu rido goor la kala seexday

Seeri aynu wada yeelaniyo golaha ha u seexan

Saska inbaa dib ugu baxay shakiga saami qaybsiga’e

Oo aan sidaad u xalin layd weli la suurayn’e

Sicir-bararkan waagii baryaba kor u sabaynaaya

Een soo dabaal meesha ool sii hor deg mooyaan’e

Sarifkiyo maceeshadahan aan meel saldhiganaynin

Dadweynahan hunguri siibmay ee wada sinbiidhaha ah

Safraddiyo dhibkaa ganacsigee maxasta saameysay

Gawaadhidan sameecadaha leh ee siqaya laamayda

Farriintay sidaan iyo isma leh suu dadkii yahay’e

Saboolkaa miciin waayay bay food ka sugayaan’e

Siyaasiga kuraasida rabiyo qoladda sii joogtay

Mid yidhaa sabaankan ina helay sidan dadka u dhaama

Oo uu xil kaa saaran yahay ma arag saaxiibe

Garanna maayo saydh saydh ka ladan samafalkeeniiye

In base kay u seeraysan tahay wow sajalan yiiin’e

Suulkiyo fartaan kala lumayn safafka yoomkaas’e

Ha yeeshee si weyn waxow cabsi leh sooftiweeradda’e

Saabaankan iyo kii intarbiis qalabku waa saym

Codkan seefaradda shalayba, waa taad ku sigateene

Bari haduu sidiisii fad-liqo yayna kala saari

Sidaad u aaminteen hawshu waa ka sino weyntahaye

Sog-sogna lama dhex maro adigoo bacdaa ku sita kaydkiiye

Olow nooga sahal wixii ku dhacay sawjadii Kilinton!!

Rabi talada ha inoo sakhiro sida inoo roone

Toobada subxaanta iyo saligu yaanu idin seegin

Dhibtana ku sabra maalmaha siloon saaxigaa xiga’e

Afartaa annoo sagama badan kaala saayiraya

Sifaha iyo tusaalaha dhacdada yoomba kugu saabsan

Safad markaan ka boodaba mid baan kuu salaxayaaye

Inta aanan soo xidhin tixdaan siinka ka higgaadshay

Xaashida sabbaankiyo mar aan saawiga u eego

Wax baa salag leh solow iyo colaad soohdintii bariye

Dhibtu hadii la sahashaddana way soo noqnoqotaaye

Sareeyow dab kaa naga baqtii yaanu sii fidine

Isa saarka faallada hadaan sadar idiin raacsho

Kolba licib siqiir aan lahayn sal iyo raad toona

Waan ka sindhidhaa dhowr markay igu salaamaane

Waligaaba kaad sanifsantaad laxashka saartaane

Sugaal hadaad ka webiseen kumuu saamax yidhi malagu

Ama ay saxeex kala qorteen mowdka sacadow

Wuxuu saatiroo qudhi og yahay ha ii sarbeebina’e

Ruuxba saacadii loo qoruu uunka sugayaaye

Cidna sahadinta uguma timaad seefta geeriduye

Wedka wow siman yihiin kuwaad u sacabinaysaane

Imisaa sariir waadh la dhigay weli kiiyoo saarran

Boqolaal foyoobaa socdeen kiiyoo sidii uuna

Midowna anniga kaad la safan tay ha ii siyaakhadin’e

Safar looma diro Jiho hadii aan sad kaa xigin’e

Waxaad socod u qababaashataa goobta saydhka leh’e

Sidii uma hirgalo lagu balamay sowdka ololuhuye

Surmi iyo haraad bow hantiya sahan la’aan guur’e

Ha yeeshee sawaabkiyo runtaan kuu ahayn sarrin’e

Cidna kuma sasabo waxaan dan guud bido sidiiqow’e

Sida ila haboon dhufashadaan samayda raacshaaye

Sinaba uma aqbalo arragtidaa siiso laba shay’e

Allow sahal amuurta iyo ducadu iga sal weeyaane

Surta lagu gardaadshiyo ansaxana saadanbe aan dhowro”

Comments

comments