Somaliland: Ma Dhabbaa In Xukuumadda Somaliland Damac Wayn Kaga Jiro Inay Ganacsato Ku Wareejiso Xaruntii Laanta Labaad Ee Baanka Somaliland Ee Hargeysa Ku Yaalay?

58

Warar xog ogaal ah oo aan helayno ilaa shalayna soo if baxayay ayaa waxay sheegayaan in xukuumadda Somaliland uu damac kaga jiro inay iibiso ama ay ganacsato shicib ah ku wareejiso xaruntii laanta Labaad ee Baanka Somaliland ee Hargeysa ku yaalay.

xaruntan oo ah xaruntii ku xigtay sarta dheer uu Dahabshiil Bank ayaa shalay hal mar ay ciidamada Boolisku hawl gall ku fuliyeen, iyaga oo ciidamaduna ka hor dhaqaajiyey gaadiidka yar-yar ee Takaasida oo hordhigan jirtay xarunta isla markaan istaan u ahaa gaadiidkaasi,iyaga oo sidoo kale baabiiyey maherado ganacsi oo yaryar oo kuhor yaalay xarunta,isla markaana kuwo kalena u qabtay inay muddo laba cisho ah kaga guuraan.

waxaana dad goobta ku ag sugnaa ay noo sheegeen in la damacsan yahay in wareejiyo,iyaga oo xarunta dhexdeedana lagu arkayay dad shacab ah oo ku wareegayay gaydhka xarunta Baanka isla markaana indho-indhaynayay,sidoo kalena cabiranayay Gaydhka xarunta.

xaruntan Baanka gaar ahaan laantan Labaad ayaa ah dhismo qadiimi ah oo muddo badan goobta ku yaalay,iyada oo aan xukuumadda Somaliland-na dayactir ku samayn,waxaana dhismaha la sheegay in xukuumaddu damacsan tahay in ay wareejiso kuna wareejiso ganacsato shicib ah oo aan hadda la garanayn cidda ay yihiin.

Comments

comments