Somaliland: Wasiirka Maaliyadda Oo Xadhigga Ka Jartay Madxaf Lagu Kaydinayo Taariikhda Somaliland, Halgankii SNM, Dhaqanka & Hiddaha Soomaalida

65

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxa Shalay laga furay Madxaf Magaciisu yahay SERYAN, kaasi oo uu aasaasay Muwaadin Reer Somaliland ah, sidoo kalena ka mid ahaa Ururkii Dib u xorreynta Somaliland ee SNM.

Munaasibadda Xadhigga lagaga jaray Madxafkan oo lagu ururinayo Taariikhda Halgankii Ururkii dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM dib ugu xorreeyay Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena lagu kaydin doono Dhaqanka iyo Hiddaha Dadka ku hadla Afka Soomaaliga, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirro ka mid ah Xukuumadda Somaliland, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyadu xadhigga ka jartay Madxafkan, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Cadaaladda, Aqoonyahan iyo Marti-sharraf kale oo tiro badnaa.

Siciid Shukri Xuseen oo ah aasaasaha Madxafka SERYAN oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa ka warramay Marxaladihii uu soo maray aasaaska Madxafku iyo Qaybaha uu ka kooban yahay, waxaanu yidhi “Madxafkan Fikirkiisu wuxuu bilaabmay Muddo dheer ka hor, oo ku xidhiidhsan illaa dhallinyaro-nimadii, markii aanu Halganka Hubaysan aanu ku jirnay oo mar walba la iswaydiin jiray waar inta halganka ka soo hadha ee noolaata, intii hoyatay maxay ku xusuusan doonaan, taasaa Saldhig u ah inaanu Madxafkan Seryan samayno, iyadoo ay ILAAHAY Mahaddii tahay in Dad badan ay igala qayb-galeen, hadday tahay Xukuumadda Maanta jirta, Saaxiibbo, Dad Waayo-arag ah oo yaqaanna sida Madxafyada loo sameeyo.”

Mujaahid Siciid Shukri Xuseen waxa kale oo uu khudbaddiisa ku faahfaahiyey Qaybaha uu ka kooban yahay Madxafku, “Madfaxku wuxuu u qaybsan yahay Saddex qaybood oo waaweyn. Kow Madxaf markaad samaynayso Dal-baad ka hadlaysaa, Dalkaa aad ka hadlayso Astaamihiisa, dhaqamadiisa, Qiyamkiisa, Wiciyadihiisa iyo Aqal-Soomaaliyadiisa in la soo dhigo waa lagama maarmaan, markaa Hool ayaa u gaar ah Dhaqankii ay Soomaalida wada lahayn, Somaliland-na dhaqankaa si gaar ah uma sheegan karto. Hoolka labaad (waxa ku keydsan) Taariikhda Somaliland intii la heli karayey oo aanu soo qaadanay, halgankii Gobanimo-doonka, Taariikhdaa Faca-weynina waxay ku fadhidaa Ururkii la odhan jiray SNM. Taariikhdu waxay inna faraysaa oo ay si walba inoogu dhigaysaa in aynaan inkiri karin in Dagaal Sokeeye inna soo maray si kastaba haku yimaaddo, laakiin, Madxafkani wuxuu ka tarjumi doonaa maxaa laga bartay waxaa (aan sheegay), si dhibaatooyinkaa hore inoo soo maray aanay dib inoogu soo noqonin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu u Mahad-naqay Wasiirro Gacan ka geystay hirgelinta Madxafka “Waxaan si gaar ah ugu Mahad-naqayaa Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyo Wasiirka Warfaafinta Cismaan Cabdillaahi Saxar-diid (Caddaani), Wasiirka Cadaaladda Axmed Faarax Cadarre iyo Cali Maxamed Warran-cadde”

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo Gacan ka geysatay Madxafka isla-markaana iyadu Xadhigga ka jartay Shalay, ayaa khudbad ay halkaa ka jeedisay waxay kaga warrantay ahmiyadda Muusiyamka ama Madxafkani u leeyahay Ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna tidhi “Waxaynu dhammaanteen ku faraxsannahay inay Maanta Taariikh innaga hadhayso. Madxafku waxa laga baranayaa waxyaabihii inna soo maray, marka waxyaabahaa la arko waxa laga taxaderayaa inay kugu soo noqdaan Waxyaabahaasi oo kale, Taariikhna waa laga helayaa oo waxaynu meesha dhigaynaa wax la arki karayo.”

Wasiir Samsam Cabdi Aadan, waxa kale oo ay sheegtay  “Ummadna Taariikhdeedu ma lunto hadday yeelato Taariikh qoran ama Daawasho ha ahaato ama Sawirro ha ahaato ama Agab ha ahaato’e.” ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay “Dagaallada ka hor Madxafkii ku yaallay Dawladda Hoose dabadeeda waxa yaallay Agab aan la heli karin. Agabkii yaalay waxaanu waynay Abtirsiintiisii, waxa yaallay Abxadihii, Waxyaabo aan muddo dheer la isticmaalin, waxa yaallay Saab aan dib loo helaynin. Dalka waxaan ku soo noqday 1991-kii Alaabtii (Madxafka taallay) oo la iibinayo, Lacag waanu u waynay, laakiin waxoogaa ka reebnay (Ka iibsanay), laakiin Alaabtii waalla iibsaday oo la gurtay. Alaabtaa inaynaan dib u helayn baan u maleynayaa, laakiin Madxafkani (Seryan) wuxuu aasaas u noqonayaa inaynu Taariikhdeena wax la hadhno oo aynu Meeshan ku urursanno.”

Wasiirka Maaliyaddu waxay u aasaaska Madxafkan ku bogaadisay Siciid Shukri, “Siciid Shuki aad iyo aad baan ugu Mahad-naqayaa, maaddaama oo uu Dhulkiisa intaa leeg ugu deeqay inuu ka sameeyo Madxafkan, Xoolihii uu soo shaqaysatayna uu geliyo.”ayay tidhi, iyadoo xustay in Siciid uu Taariikhda Somaliland baal-dahab ah ka geli doono.

Munaasibadda Xadhigga lagaga jaray Madxafka waxa khudbado ku saabsan Ahmiyadda Madxafkani u leeyahay Shucuubta Ree Somaliland iyo Soomaalida oo dhan ka soo jeediyey Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta, Cadaaladda, Ganacsiga, La Taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Warran-cadde, Dr. Bulxan, Drs. Edna Aadan Ismaaciil, Mujaahid Maxamed Baaruud, Mujaahid Saleebaan iyo Shaqsiyaad kale oo mudan, waxayna dhammaantood tilmaameen in Madxafkani wax badan ka tari doono Kaydinta Taariikhda Somaliland ee dhinacyada badan leh, Dhaqanka Soomaalida iyo Halgankii SNM Dalka kaga xorreysay Dawladdii Milletariga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre.

Comments

comments