Somaliland: Ma Dhabba In Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle Hankiisii Murrashaxnimo Ee Gudoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland Uga Tanaasulay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble?

108

Warar ilaa xalay soo if baxayay ayaa waxay sheegayaan in xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo kamid ahaa murrashaxiinta u tartamayay jagada gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Somaliland isla markaana ay badhitaarayeen xildhibaanada KULMIYE uu ka tanaasulay hankiisi murrashaxnimo,isla markaana uu u tanaasulay xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo isna ah murrashax u tartamaya jagada gudoomiye ku xigeenka Wakiiladda.

Booskan gudoomiye ku xigeenka wakiilada Somaliland oo uu baneeyey Baashe Maxamed Faarax oo hadda ah gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ayaa waxa u tartamaya 11 xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada kuwaas oo mid kaste uu hunguri kaga jiro in uu ku guulaysto booskaasi,waxaana bari lo ballansan yahay in la doorto xildhibaanka buuxin lahaa jagadaasi gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada.

11-ka xildhibaan ee la shaaciyay in ay soo xaraysteen codsiyada ayaa waxa ugu cadcadaa isla markaana loolan adag uu dhex marayay labada xildhibaan ee Siciid Cilmi Rooble oo ka socda xisbiga WADDANI iyo Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaan oo isna ka socda xisbiga KULMIYE,waxaana xogaha ilaa xalay soo baxay ay sheegayaan in  xildhibaan Axmed Yaasiin u tanaasulay xildhibaanka Siciid Cilmi Rooble.

Tanaasulkan soo if baxaya ayaa waxay sheegayaan in uu salka ku hayo kadib markii shalay uu gudoomiyaha ahna murrashaxa madaxwayne ee xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro uu ku guulaystay inuu soo afjaro khilaafkii ka taagnaa golaha wakiilada isla markaana uu gudoomiyaha wakiilada noqdo wakhti xaadirkan xildhibaan Baashe Maxamed Faarax oo sifadii uu kusoo baxay lagu muransanaa ka socday xisbiga KULMIYE.

Xildhibaan Axmed Yaasiin oo Ramaasnews isku dayday inay khadka telefoonka kula xidhiidho xildhibaanka si aan wax uga waydiino wararkan ilaa xalay suuqa soo galay ee ah inuu hankiisi murrashaxnimo uga tanaasulay xildhibaan Siciid CIlmi Rooble ayaanay noo suurto galin telefoonkiisa gacanta oo naga qaban waayay awgeed.

Xildhibaanada u tartamaya booskan ayaa mid kaste dhinaciisa dadaal ugu jiraa,iyaga oo kulamo la qaaddanaya xildhibaanada golaha wakiilada,qaarkoodna ay xildhibaanadani u ballan qaadeen lacago tiro badan inay siinayaan hadii ay u codeeyaan.

Gabagabadiina maalinka barri oo Axad ah ayaa waxa loo ballansan yahay in ay xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland iska dhex doortaan masuulka buuxin lahaa jagada gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland oo muddo banaan,waxaana loo wada dhag taagayaa maalinka barri ah cidda ku guulaysata buuxinta booskaasi.

Comments

comments