Somaliland: Maayarka Boorama Oo Sheegay In Badhasaabka Gobolku U Soo Qoray Warqad Uu Kaga Dalbanayo In La Iibiyo Dhul Dan-guud Ah

377

Khilaaf culus ayaa soo kala dhex galay Guddoomiyaha Gobolka AWDAL Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) iyo Maayarka Magaalada Boorama oo ay wehelinayaan Xildhibaannada Golaha Deegaanku.

Khilaafkan ayaa soo shaac-baxay, ka dib markii Maayarka Iyo Xildhibaanno ka mid ah Golaha deegaanka Boorama ay Badhasaabka Gobolka AWDAL ku eedeeyeen inuu doonayo in la iibiyo Dhul Dan guud ah oo ku yaalla Magaalada Boorama, laakiin ay diiddan yihiin Golaha deegaanka Xildhibaanno ka mid ah iyo Maayarka Magaaladu.

Maayarka Magaalada Boorama Maxamed Xuseen Maydhane oo Shalay Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in loo soo qoray Warqad nuxurkeedu yahay inuu ogolaado in la iibiyo qayb ka mid ah Waddo ku taalla Magaalada Boorama badhtamaheeda iyo Dhul kale, waxaanu Maayarka oo Arrimahaa ka hadlayaana uu yidhi “Dadweynaha reer Boorama waxaanu ugu baaqaynaa inay ilaashadaan Hantida Ma Guurtada ah ee ay leeyihiin, waxba idiin qarin mayno, dhawaaqyo ayaa na soo gaadhaya, Masuuliyiin ayaa wadda, waxay marayaan inay noo soo qoraan Waraaqo ay doonayaan inay Waddooyin ku fasaxaan (iibiyaan), Xaaraan bay ka tahay in Badhasaab sheeganaysaa inay intaan joogo nagu dul-fasaxdo Waddo oo la dhisto. Waddada Waraaqda la iigu soo qoray waa Wadda Daba-maraysa Iskuulka Sheekh Cabdiraxmaan Qaalib Nuur ee Khayriyada soo hor-maraysa.”

Xildhibaan ka mid ah Waaxda Dhulka ee Golaha Deegaanka Boorama oo isaguna Maayarka ka hor halkaa ka hadlay ayaa farriin cad u diray Badhasaabka Gobolka Awdal “Guddoomiyaha Gobolka Awdal Mr. Shiine wuxuu si badheedha ah Warqad ugu soo qoray Maayarka Degmada Boorama, isagoo doonaya inuu Awooddiisa u isticmaalo Waddo iyo dhul badan oo Dan guud ah, waxaanu leenahay Guddoomiye kuma dhacdid, Waayo? Annaga ayaa la noo igmaday Dhulka.”ayuu yidhi.

Badhasaabka Gobolka Awdal weli kama hadal eedaymaha loo soo jeediyey, laakiin Bilihii u dambeeyay waxa la hadal-hayey isla-markaana marmarka qaarkood buuq ka dhalayey in la iibinayo Beerta Nasashada ee Magaalada Boorama iyo Dhul kale oo Dan guud.

Comments

comments