Somaliland: “Madaxweynu Qalliinka Uu Galay Mid Weyn Muu Ahayn Oo Qabsin Baa Laga Saaray, Operation-Kiisu Qaatay Hal Maalin Waanu Caafimaad Qabaa Boqolkiiba Boqol”

70

Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Hadashay Xaalada Caafimaad Ee Madaxweynaha Iyo Natiijada Qalliin Qaatay Maalin Oo Lagu Sameeyay Madaxweyne Siilaanyo

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa ka hadlay Xaalada Caafimaad ee Madaxweynaha oo safar hawlo shaqo ah ku jooga dalka Imaaraadka Carabta. Xuseen Deyr, afhayeenka aqalka madaxtooyada JSL oo shalay warbaahinta kula hadlay xarunta madaxtooyada ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaalada caafimaad ee madaxweyne Siilaanyo oo la sheegay inuu qaliin caafimaad ku galay dalka Imaaraadka, kaasi bulshada reer Somaliland ay aad ugu dheg taagaysay natiijadiisa. “madaxweynuhu Jimcihii inna soo dhaafay ayuu dalka ka dhoofay oo dalka aynu jaarka nahay ee Abu dubey ayuu ku sugan yahay, madaxweynuhu guud ahaanba wuxuu galay baadhitaan caafimaad oo caafimaadkiisa guud lagu check-gareeyay, Alxamdulillah wax dhibaato ahi kamay soo biixin waana uu caafimaad qabaa, keliya dhakhaatiirtku waxay ku taliyeen in qabsin laga saaro, operation-kaasina maalin qudha ayuu qaatay oo waa lagu guulaystay in laga saaro.” Ayuu yidhi afhayeenka madaxtooyada JSL, oo intaasi ku daray “qalliinka madaxweynuhu muu ahayn mid weyn oo qabsin baa laga saaray, Technology-yadan dambe ee casriga ah ayuu ku galay qaliinka oo Lazer baa lagaga saaray qabsinkii haatanna caafimaadkiisu waa boqolkiiba boqol. Madaxweynuhu hawlihiisii shaqo ee uu u tegay ayuu halkiisii kasii wataa, waxaana uu maanta (shalay) kulamo la yeelan doonaa mas’uuliyiinta sare ee dawladda Imaaraadka, sida ugu dhakhsaha badan lehna waa uu ugu soo noqon doonaa dalkiisa.” Ayuu yidhi afhayeenka madaxtooyada JSL Xuseen Deyr

Comments

comments