DegDeg: Mooshin Xil-kaqaadis ah iyo Doorashadii Gudoomiye ku Xigeenka Wakiiladda Somaliland oo Dib loo dhigay.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiiladda Somaliland Mudane Baashe ayaa goordhawayd kala diray Golahii Wakiiladda, isla Markaana Dib u dhigay Doorashadii gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland.

Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa Suuq iyo Sawaxan ka Bixi waayey kadib markii 17 Xildhibaan oo Mucaarad ahi ay joojin waayeen Buuq iyo qaylo golaha dhexdiisa.

17 Xildhibaan ee Mucaarid ka ah ayaa Golaha ugu soo Galay 43 Xildhibaan oo Muxaafid ah oo u Balansanaaa In ay dhacdo Doorashadda Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha wakiiladda.

Xildhibaanadda oo Koorama looga baahanyahay in lagu codeeyo Buuxiyey ayay Xildhibaanadda Mucaaridka ahi Qaylo iyo Sawaxan joojinwaayeen, kadib gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Mudane Baashe ayaa ayaa kala diray Golaha, waxana uu ku dhawaaqay in Maalinta Axadda ee Taariikhdu tahay 27/8/2017 Dib loogu dhigo Doorashadda Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiiladda JSL.

Comments

comments