Somaliland: Doorashada Guddoomiye Xigeenka 1aad Ee Wakiillada Oo Dib Loo Dhigay, Korodhka Murrashixiinta Ku Loollamaysa Iyo Xaaladda Golahaasi Oo Weli Murugsan

41

Jewigii Shalay Ee Golaha Wakiillada, Kooramka Oo Buuxsami Waayey, Guddoomintii Baashe Iyo Dhawaaqa Xildhibaanada Mucaaridka Ah

Fadhigii Golaha Wakiillada Somaliland ee shalay ay ugu ballansanaayeen  in lagu doorto Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada,  ayaa baaqday ka dib markii kooramka lagu furo fadhiyada Golahaasi uu buuxsami waayey, kaas oo uu saamayn ku yeeshay khilaafka ka dhex taagan xildhibaannada golahaasi ee la xidhiidha dorashadii guddoomiyaha oo aan weli xal laga gaadhin, waxaana dib loo dhigay dorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee wakiilada

Jewiga Golaha wakiilada oo ahaa shalay mid ka duwan sidii hore, ayaa waxa aad loo adkeeyey amaanka golaha ee afaafka hore oo la soo dhoobay ciidan badan oo xadiday dhaqdhaqaaqa golahaasi loona diiday in ay gudaha u galaan warbaahinta qaybeheeda kala duwan, waxaana Fadhigan shir Guddoominayey Guddoomiyaha Golahaasi Mudane  Baashe Maxamed Faarax, ayaa waxa ka soo xaadiray Xildhibaano tiradoodu dhamayd todoba iyo labaatan xildhibaan (27), taas oo noqonaysa in aanu buuxsamin tirade uu golaha wakiiladu ku furmo, iyada oo la aamin san yahay in xildhibaanada golaha wakiilada oo laba garab u kala fadhiya awgeed ay inta badani ka soo xaadiri waayeen fadhigaasi, kuwaas oo aamin san in guddoomiye baashe sharci darro ku fadhiyo oo aanu shir guddoomin Karin.

Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax,  ayaa  ku war geliyey xildhibaanadii fadhiga  ka soo xaadiray in uu goluhu fasaxyahay ilaa maalinta Arbacada ah ee soo socota inta ka horaysa, waxaanuu sheegay in maalintaasi uu guluhu dooran doono Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha, sidaasna ay xildhibaanadu ogaadaan kuna soo diyaar garoobaan

Mudane Baashe Maxamed Faarax oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Xildhibaano badan ayaa keenay araajidooda oo u taagan Guddoomiye ku xigeenka koowaad, waxaana keenay 13 xildhibaan, waxa laga rabaa xildhibaanada in ay soo buuxiyaan shuruudihii laga rabay, sida uu dhigayo xeer hoosaadka golaha wakiiladu, markaa xildhibaanada gelaya doorashadaasi waa inay soo dhamays tirtaan wixii ka dhiman, maalinta Arbacada ah ee soo socotana waynu u codaynaynaa inta ka horraysana Fadhiguna wuu xidhan yahay” ayuu yidhi Guddoomiye Baashe Maxamed Faraax.

Dhinaca kale Xildhibaanada mucaaridka ah ee Waddani ee taageersan Xildhibaan Talyanle, ayaa markii ay ka soo bexeen Golaha waxa ay afaafka hore ee Golaha kula hadleen warbaahinta, waxaanay sheegeen in ay qaadeceen fadhiga Arbacada ee lagu dooran doono Guddoomiye xigeenka koowaad.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka mid ahaa xildhibaanadii goobta ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi “Guddoomiye la isku hayaa ma shir guddoomin karo golaha guddoomiyaha sharciga ahna waxaanu u haysannaa in uu yahay guddoomiye xigeenka labaad Cali Yuusuf, ma gudoomin karo maanta halkii uu ka filayey in lagu wareejiyo guddoomiyaha wuu jabsaday xafiiskii guddoomiyaha” ayuu yidhi Xildhibaan Qabille.

Xildhibaan Abubakar oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu sheegay in Cabdiraxmaan Talyanle ay u aqoonsan yihiin Cabdiraxmaan Talyanle, qasabka aanu Baashe Maxamed Faarax ku guddoomin Karin iyo ciidankuna aanu khasab ku fadhiisin Karin golahana aanu khasab ku hogaamin Karin Baashe” ayaa ka mid ahaa hadalladii Xildhibaan Abubakar oo goobta ka yidhi.

Xaaladda Golaha wakiilada Somaliland ka taagan ee ka dhashay khilaafkii Doorashada Guddoomiyaha Golahaasi, ayaa u muuqata in ay marba marka ka dambaysa sii murgeyso, iyada oo aanay illaa hadda muuqan wax waan waan ah oo laga dhex wado golahaasi, balse ay maxkamadda sare go’aankii ay ka soo saartay muranka doorashadii dhacday ay ku soo celisay golaha in ay ku xallistaan khilaafkooda xeer hoosaadka u yaalla, waxaana fashilmay guddiyo ay labada dhinac u saareen xallinta khilaafka oo midba midka kale ku eedeeyey in ay kaga bexeen wada hadalladaasi oo ay maalinba maalinta ka dambaysa isasoo tarayaan hadallada xanafta leh ee ay xildhibaanada labada dhinac is dhaafsanayaan siina murginaya xaaladda golaha ka taagan.

Geesta Kale, waxa sii kordhaya xildhibaanada u tartamaya Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiillada oo loo ballan san yahay in la doorto maalinta Arbacada ah ee soo socota, kuwaas oo gaadhaya  13 xildhibaan oo isugu jira mucaarid iyo muxaafidba, waxaana ay xildhibaanada u taagan jagadani u badan yihiin kuwo ka soo jeeda xisbiga talada haya ee Kulmiye, balse waxa jira loolan dhinaca xisbiyada ah oo ku aaddan arrintan iyo sidii ay kursigaasi u hantiyi lahaayeen.

Comments

comments