Guddiga Abwaannada Somaliland, oo Maalmihii u dambeeyay waday dedaal ay doonayeen inay ku dhex-dhexaadiyaan Garabyada Golaha Wakiillada ee uu ka dhexeeyo Khilaafka ku saabsan Guddoomiye-nimada Golaha Wakiilada, ayaa sheegay in dhinaca uu hoggaamiyo Baashe Maxamed Faarax ay u qabsoomi waayeen.

Afhayeenka Guddiga Abwaannada Somaliland Maxamed Xasan Cali (Weji) oo ka hadlayey Shir-jaraa’id oo Guddigu ku qabatay Hargeysa Maanta ayaa sheegay in Dhinaca Cabdiraxmaan Talyanle u qabsoomeen oo ay diyaar u yihiin in khilaafka la xalliyo, laakiin Garabka Baashe diideen inay u qabsoomaan Abwaannada.

Comments

comments