Somaliland: Cali Khaliif Galaydh Muxuu Ka Yidhi Rasaasta Ka Dul-dhacday Iyo Ujeeddada Raaxo-nacay?

48

Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa ka hadlay dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo Sabtidii shalay laba Beelood ku dhex-maray gudaha magaalada Buuhoodle, kaas oo uu sheegay inuu marar badan oo hore ka digay, balse dheg loo dhigi waayey Baaqyadiisa.

Cali Khaliif Galaydh oo isagoo Shir kaga jira magaalada Buuhoodle, Rasaastu shalay ka bilaabantay magaaladaas, ayaa sheegay in loo baahan yahay in Caqligu shaqeeyo, oo aanu Qorigu shaqaynin, isla markaana ku baaqay in xaaladda nabad lagu soo dabbaalo, waxaanu soo qaatay tusaale uu ku tilmaamay in danta uu leeyahay tahay degganaansho iyo horumar, si taa loo helana uu noloshiisii raaxada lahayd ee Maraykan, Ganacsigiisii, Reerkiisii iyo Carruurtiisiiba uga yimi, balse weli lala garan la’yahay ujeeddadiisa.

“Rasaasta aad maqlaysaan ee sida Roobka u dhacaysay ee loogu talo-galay Cadowga innaga ayaa isku garaacayna, Khaatumo iyo Shirkeennan iyo damaashad loo tumayo maahee, Walle Qabiilladeennii ayaa Buuhoodle isku dilaya, ayaan-darrada inna haysa ayey ka mid tahay.” Sidaa ayuu yidhi Prof: Galaydh.

Waxaanu Cali Khaliif oo sii watay hadalkiisa intaas ku ladhay; “Labadda Beelood ee ayaan-darradda innoo muuqata ee Buuhoodle dhexdeeda ka dhacaysa awalba fidnadaa Wadnaha ayaannu farta kaga haynay, waar inta aannu ka dignay waannu ka dignay,  Waar Illaahay Caqli iyo Xigmad aynu ka barino, aynu innagu isku badbaadinno.”

Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh oo ka hadlaya waxa uu uga yimi Qoyskiisii iyo Ganacsigiisii, waxa uu yidhi; “Carruurtaydii iyo Reerkaygii baan ka immi, Dhaqaalihii iyo Ganacsiggii aan gacanta ku hayay ayaan ka imi, nolol baan u bartay. Waar waxayga oo dhan waxaan u soo huray Ummadda tan inaan Masuul uga noqdo.”

Comments

comments