Somalia: Maxaa ka jira in Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Somaliland, Safar ku joogo Magaaladda Muqdisho

38

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar, isla markaana ka mid ah xisbiga Kulmiye ayaa la sheegay inuu ka degay magaaladda Muqdisho, halkaana wadahadal kula leeyahay Xukuumadda Soomaaliya. War socdaalkiisaa Muqdisho la xidhiidha oo ay baahisay shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews wuxuu u dhignaa sidan;

“Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar  ayaa warar hordhac ah oo laga helay safarkiisu sheegeen, inuu kulamo kula qaatay halkaa Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. Weriyaha hadhwanaagnews  ee Muqdisho Xasan Maxamed Samatar (Xasan cawke) ayaa sheegay in Dr Maxamed Cabdiillaahi Cumar ku sugan yahay Muqdisho, isla markaana aan warbaahinta loo ogolayn inay wax ka waydiiyaan safarkiisa iyo ujeeddada uu u yimi. Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Cabdillaahi waxay wararku sheegeen inuu ka qayb galay shirar lagaga hadlayay amaanka Soomaaliya oo ka dhacay Muqdisho.

Maxamed Cabdillaahi Cumar wuxuu hore u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, haatana wuxuu ka mid yahay Golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye. Warkaa kooban ee shabakadda Hadhwanaagnews faafisay iyo warar kale oo la mid ah shabakadaha kale qaarkood faafiyeen ka sokow ma jiraan warar si toos ah uga soo baxay dhinacyada ay khusayso oo ka hadlay amuurtaasi.

Comments

comments