Somaliland: Xisbiga Waddani Oo Ka Hilaacay Guud Ahanba Gobalka Sanaag Iyo Wacdarihii Ceel-Afweyn Ee Cirro

54

Waftigii uu hogaaminaayey ayaa waxaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyey degmada Ceel Afweyn ee gobalka Sanaag iyo deeganada hoos yimaada .

Waftiga oo ka soo kicitimay magaalada Ceerigaabo kuna soo jeeda Magaalada Hargeysa ayaa soo dhaweyn aad u balaadhan kala kulmay shacabiga ku nool magaalooyinka Yufle , Kalsheekh , Kalmac iyo Ceel Afweyn .
Markii uu waftigu soo gaadhey magaalada Ceel Afweyn ayaa waxaa uu waftigu kala kulmay soo dhaweyn aad u heer sareysa waxaana uu musharax Ciro uu gudaha magaalada ku soo dhex maray socod lug ah taas oo bulshaduna ay si qalbi furan u soo dhaweeyen

Dadweynaha Reer Ceel Afweyna ayaa musharax Ciro u soo galbiyey goob loo diyaariyey in uu bulshada kala hadlo waxaana ugu horeyn halkaasi ka Hadley madax dhaqameed iyo cuqaal ka tirsan reer Ceel Afweyn
Cuqaasha ayaa sheegtay in colaada ka jirta degamada Ceel Afweyn iyo deeganada hoos yimaada ay yahiin qaar laga leeyahay dano gaar isla markaana ay hurinayaan dad masuulyiin ah oo ujeed ka leh .

Gabo-gabaddii Musharaxa Madaxweyn ee Xisbigga Mucaaradka ah ee WADDANI,ayaa si weyn ugu mahad-celiyay reer ceel-af-weyn sida naf-hurida leh ee ay usoo dhaweeyeen Wafdigga uu hogaaminayo.
Musharax Cabdiraxmaan-cirro,waxa uu dadweynaha usoo jeediyay inay nabadda ku faro-adaygaan,isla markaasna ay qaataan kaadhadhka cod-bixinta ee lagu galayo Doorashadda Madaxtooyadda ee soo socota,taas oo haatan ka socota Goboladda SOOL iyo SANAAG.

Comments

comments