Somaliland: “Maanta Meel Innoo Fayoobi Ma Jirto, Oo Dalku Wuu Baylahsan Yahay, Aniguna Ma Garanayo Nidaamka Noocan Ahi Meel Uu Ka Jiro” – Faysal Cali Waraabe

54

Guddoomiyaha xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka dayriyay xaaladda nololeed ee bulshadda goboladda bariga oo uu dhawaan safar ku soo maray, kuwaasi oo u baahan in gar-gaar lala gaadho. Eng. Faysal ayaa sheegay in dad gaadhaya ilaa 3000 oo qoys oo ay abaartii xoolihii ka dhamaysay ay weli ku dayacan yihiin degaamo badan, isla markaana ay u baro-kaceen tuulooyinka oo ay xerooyin ku jiraan. Guddoomiyaha UCID waxa uu tilmaamay inkastoo wakhtigan degaamadda bariga ay xaaladoodda nabadgeliyo wanaagsan tahay, in haddana ka taagan tahay riiqdii abaarta. “Dhulkii aanu marnay dad iyo xoolo midnaba ma noolayn. Xoolihii way dhamaadeen, dadkiina waxay ku jiraan Xerooyin. Tuulo kastoo goboladda bariga ah dhawr Xero ayaa ku yaalla, oo Buulal ayay ku jiraan. Dadkaasi ILLAAHAY (SWT) mooyee cid kaloo u maqani ma jirto. Dawladeenana waa la og yahay tamarteedda, oo xaaladda baaxadeedu intaas leeg tahay ma hanan karto, aduunkiina waxba may waydiisan”ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe oo shalay magaaladda Hargaysa kula hadlay TV-ga Eryal. Waxa kale oo uu sheegay in baylah weyn ay ka jirto doorkii dawladnimadda, iyadoo wasiirradii, agaasimeyaashii iyo masuuliyiintii kale ee qaranka u shaqayn lahaa ay ku mashquulsan yihiin u ololaynta mushaxara xisbiga Kulmiye. Waxaanu yidhi “Meel inoo fayoobi ma jirto, dalkoo dhami wuu baylahsan yahay. Dawladii waxay ku mashquulsan tahay u ololaynta Muuse Biixi, oo wasiirradii waxay is leeyihiin ayuunu hadhaw kaa reebin dawladda, isagaanay garab yaacayaan.Markaa ayaa dawladii u shaqaynaya?”. Eng. Faysal, ayaa u soo jeediyay musharaxa Kulmiye in iska reebo wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ee marka uu gobol u baxo hareerta qabsanaya. “Muuse waxaan leeyahay iska reeb waxa socda ilaa dawladihii hoose, oo garab ordaya. Agaasimeyaashii guud ayaa garab ordaya, wasiirradii ayaa garab ordaya. Anigu ma garanayo nidaamka noocaas ahi meel uu ka jirro. Haddii aad tidhaahdaan waxaan eryanayaa Waddani, haddii uu Waddani bohol ku dhaco idinkuna miyaad ku dhacaysaan”. Geesta kale guddoomiyaha UCID ayaa dhaliilay awood la’aanta komishanka doorashooyinka oo uu sheegay in aanay xukuumadu la shaqaynaynin, isla markaana aanay ciidamadda la siiyay komishanka kaba amar qaadanaynin. “Haddii aanay dawladu komishanka doorashooyinka gacan siinaynin, muxuu qaban karaa? Ciidamadii la siiyay komishanka doorashooyinka ee ilaalinayay, ayaan amar siin karaynin. Waxay ahayd in ciidamadda komishanka doorashooyinka la siiyay in ay iyaga amarka ka qaataan. Fool-xumo weyn ayaa soo socota, haddii aan arrintaa la joojin oo aan wax laga qabana , waxaan arkaynaa in dagaal uu ka soo socdo”ayuu yidhi Eng. Faysal.

Comments

comments