Somaliland: Gudoomiyaha Guurtida Oo Baashe Ka Furay Dabarkii Waddani Lugta Kaga Xidheen Una Shaan Badeeyey Xilka Gudoomiyaha Wakiilada

67

Gudoomiyaha Aqalka golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa markii u horaysay ka hadlay doorashadii golaha Wakiilada ka dhacday iyo murankii ka soo labac kac leeyey waxaana uu sheegay in iyagu gole ahaan aqoonsan yihiin go’aanki golaha ee ahaa in uu Baashe Maxamed Faarax Yahay Gudoomiyaha golaha wakilada.

Ugu horayn Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa uu sheegay in go’aanka Maxkamada ka soo baxay uu yahay mid aan dhinacna loo dhaafi Karin isla mrkaana loo hogaansamayo waxaana uu yidhi. “in golaha uu khilaaf soo dhex galay ma mooganin laakiin anagu waxaanu ku ognahay in laba go’aan dhaceen mid golaha ah iyo kii maxkamada maxkamadii sare waxa ay xukuntay waa go’aan qaran dee ma waxbaa ka danbeeya marka aynu is jiid jiidano dee maxkamada sare ayeynu ugu danbayn isla tagnaa xukuntay dee waa kama danbays wixii dhexdooda ah Gudiyo way u saaraan ayaan maqlayey inkasta oo is jiid jiid danbe soo baxday wixii ka danbeeya iyaga ayaa dhamaysan doona.”

Sidoo kale Gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland waxa uu sheegay in hadii labada gudi ee labada dhinac u soo xusheen dhamaynta khilaafkooda ay xaalka maarayn kari waayaan uu markaasi dhex geli doono khilaafkaasi oo golaha guurtidu la wareegayso waxaana uu yidhi. “Hadii ay dhamaysan kari waayaan dee markaas ayeynu la eegaynaa laakiin hada anagu go’aankii golaha meel aanu u dhaafno ma aragno maxkamadiina waxa ay tidhi golahoow idinka ayey idiin taal”

Ugu danbayn Gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa uu ka hadlay colaada Ceel-afweyn iyo doorka golaha guurtida waxaana uu shaaciyey in maalinta sabtida ay gali doonaan hawsha labada beelood ee colaado dhex martay waxana uu yidhi. “Ceel-afwayn wanu joognaa arintu kaadh qaadashada ayey dib ugu riixantay Sabtida ayaa loo balansan yahay oo la gudo galayaa waanan joognaa anaguna meesha 13-nin aya ku maqan Ceel-afwayn ahlan wa sahlan.” AYuu hadalka kaga Baxay Gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland.

Comments

comments