Somaliland: Ciidanaka Booliska Oo Xabsiga Dhigay Nin Ay Walaalo Yihiin Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Iyo Fal Danbiyeedka Lagu Haysto

67

Nin ay walaalo yihiin wasiirka xidhiidhka golayaasha somaliland axmed xaaji daahir ayaa xukuumadda somaliland xabsiga dhigtay maalintii shalay kadib markii ciidanka boolisku ku qabteen arin fal dambiyeed ku ah qaranka somaliland taasoo ahayd kadib markii la ogaaday in ninkan oo lagu magacaabo maxamud xaaji daahir uu dalka keenay baasaaboorka somaliya oo lagu soo qoray magaaladda boorama.

iidanka booliska  somaliland ayaa ninkan maalintii shalay ka soo qabatay hotelka niil ee ku yaala agagaarka markaska wayn ee hargeya iyadoo islamarkaana u taxaabay xabsiga
isku soo wada duuboo ninkan ay walaalaha yihiin wasiirka xidhiidhka ayaa isagu ka badheedhay arintan dhiig baxa ku ah qaranka. iyadoo ciidanka booliska somaliland ay la tiigsan doonaan sharciga sida wararka soo baxayaa sheegayaan.

Comments

comments