Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Caddaani ayaa hadal garasho gudhan ku tilmaamay burushkii uu Cirro u qaatay tir tirka taariikhda Diiwaanka gashay ee Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu dalkan ka dhisayey mudada 7-sano ah.

Ugu Horayn Wasiirka Wasaradda Warfaafinta Somaliland Caddaani ayaa waxa Gudoomyaha xisbiga Waddani ku eedeyey in uu Madaxweynihii oo nool uu taariikhdiisa dhaxal wareejiyo isla markaana uu ku sheego nin aan libintiisa lahayn waxaana uu yidhi. “Cabdiraxman Cirro doraato halkan wuxuu ka yidhi isaga oo dad la hadlaya wadada Ceerigaabo waxa bilaabay Xirsi waa wax lala yaabo Wadada Ceerigaabo Xirsi ayaa dhisay umada jamhuuriyada Somaliland iyo reer Sanaag iyo Reer Somaliland oo dhan waxa ay ogyihiin in wadada ninka ay ku sun tan tahay iyo ninka bilaabay uu yahay Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa kale oo ay og yihiin in maalintii Baarlamaanka laga ansixiyey wadada Ceerigaabo uu Cirro ka soo horjeeday maalintii la dhisayey Baarlamaanka uu ahaa kooxdii ka soo horjeeday.”

Wasiir Caddaani waxa uu sheegay in Cabdiraxman Cirro hadii uu kursiga ku guulaysto uu tir tiri doono taariikhda Madaxweynaha iyo waxyaabihii uu qabtay waxaana uu yidhi.”Markaa maanta in uu Nin kale ku tilmaamo oo Siilaanyo oo wali talinaya Madaxweynihii Qaranka uu taariikhdiisii nin kale siiyo dee wax lala yaabo Ninka noocaas ah ee dafiraya wixii qarankan Jamhuuriyada ka dhacay hadhaw haduu Madaxweyne noqdo Muxuu sheegi doona dee wax ala wixii Siilaanyo qabtay oo dhan ayuu masixi doonaa iyo wax alla wixii kale ee jiray wuxuu odhan doonaa waxba kama jiraan waana waxyaabaha layska ilaaliyo inaanay taariikhda dib u dhicin.”

Comments

comments