Deg deg: Ganacsato iyo Dad lacago ugu Jireen Adeega ZAAD ayaa laga Dhacay Lacagohoodii , waxaana ay waayeen lacagihii ugu Jiray Zaadkooda

54

Ilaa caawa waxaa isi soo taraya dadka iyagu waayaya lacagihii ugu jiray mobile-ladooda, mid ka mida dadka iyagu waayay lacagihii zaadka
Oo aanu khadka telefoonka ku wada xidhiidhnay
Ayaa ii sheegay in uu la’yahay lacago ugu jiray mobile-ka,

Adeega Zaad ayaa ah mid dad badani lacago ku shubtaan, kuna aaminaan dhaqaalohooda, hase yeeshee waa markii ugu horeysay ee la waayo lacago adeegan Zaad ku jiray , waana mid khatartiisaleh oo hadii khalkhal ku yimaado ay hanti baddan ku waayi karaan bulshadu.

Qaar ka mida dadka lacaga waayay oo u cabasho tegey shirkadda Telesom ee adeegani bixisa, ayay shirkadu u sheegtay in Ay dib ugu soo celin doonto lacagohoodii.

Dowlada Somaliland ayaa hore ugu amartay Telesom in Adeegan Zaad ay shirkadu joojiso, hadana go’aankaas ayaanay waxba ka socon.

Warbixin dhacdadan ku saabsan inshalah Berri ERYAL-TV ka daawadda.

Xigasho Wariye Cali Mahdi Jibril

Comments

comments