DegDeg: Maamulihii Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group ee South Somalia oo Qoyskiisa lagu laayay Muqdisho

203
Hassan Abdi Awad, Maamulaha guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group ee koonfurta Somalia

Dabley hubeysan oo gaari watay ayaa rasaas ku furay gaari kale oo ay saarnaayeen Qoyska Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group.

Weerarka ayaa ka dhacay nawaaxiga Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan, iyadoo dableyda dilka geysatay ay ku baxsadeen gaadiidkii ay wateen.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaariga la rasaaseeyay ay saarnaayeen dad isku qoys ah, una Badnaa caruur uu Dhalay Xasan Cabdi Cawad oo ah Maamulaha koonfurta iyo bartamaha Somalia waxaana ku dhimatay saddex ruux oo caruur ku jirto, halka afar kalena ku dhaawacmeen.

Xogta ayaa sheegaysa in dadka saarnaa gaariga la rasaaseeyay ay ka mid ahaayeen qoyska Madaxda Shirkada Dahabshiil ee Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.

Ciidamada ammaanka ayaa baadigoobaya dableydii gaariga wadatay, waxaana la sheegayaa in gaarigan oo ahaa nooca Toyota Spacia, horay loogu geystay falal amni daro.

Waxa maalmihii u dambeeyey soo kordhayey Amaan daro badan oo laga dareemayo Magaaladda Muqdisho iyo Saraakiisha shirkadaha Waaweyn ee Somalia oo la beegsanayo, lamana garanyo ilaa hadda cid ka dambeysa falkan.

Ma jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka Dowlada Somalia, sidoo kale lama oga ujeedka loo bartilmaameedsaday gaariga ay saarnaayeen dad isku qoys ahaa.

Comments

comments