Somaliland: Xog-hayaha Fulinta Ee Berbera Oo La Weriyey Inuu Abaabulay Haween reer…

84

Xoghayaha Dawlada hoose ee Berbera Cabdikariin aadan Cadde ayaa sheegay in uu abaabulay Haween   ku sugan Magaalada Caynaba oo iyagu shalay warbaahinta  Ka dalbaday inay Aflagaado   Warbaahinta usoo Mariyaan Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Oo ay ku Sheegeen inuu Bedbedalaayo Wiilasha Beeshooda ee dawlada Shaqada u Haya. Xoghayaha oo aan La Garanayn Sababta ku Kaliiftay Arintan Ayaa Ilo Xogogaal ahi Noo Xaqiijiyeen inuu Ka Cabsi Qabo Bedel lagu Sameeyo Xilkiisa ka dib markii Shacabka Degmada Berbera ay Kasoo Istaageen Hanaanka uu Shaqada u Wado . Haweenkan oo Sheegay in Wasiirka Madaxtooyadu Ku foogan Yahay Shaqaalahooda oo uu ka mid Yahay Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde ayaa Waxaa Hadalkooda Ka Mid ahaa Sidan “ Anigoo Ah Gudoomiyihii Hablaha Beesha Cumar Jibriil ee Habarjeclo,isla markaana ay Dhinacayga Fadhido Xoghayntii Aamina Cabdiraxmaan iyo Gudoomiye Xigeenkaygii Safiya Maxamuud Gaab waxaa Nagu kaliiftay inaanu manta Shirkan Jaraaid qabano Sabab waayo ma nihin dadka saxaafada jecel  eek u degdega wax lagu degdegona Maaha Saxaafadu laakiin amrka duruufi Timaado ee ay kaa Maaransiin waydo waad imaanaysaa saxaafada,Umaduna Masiirkeeda iyadaa iska leh inay ka tashato iyadaana ka masuul ah

Laba Sababood ayaa kaliifay inaanu qabano shirkan Jaraaid ta koowaad waa reerkayagan Cumar Jibriil wuxuu ahaa Mucaarid iyo Muxaafidba Xisbiga Kulmiye,waxaana aanu ahayn Mucaarid kulmiye ah anagoo mucaarid ah ayaanu hadana Waxaanu Dawladihii Dalka kasoo Talin jiray ku lahayn Wasiir Buuxa oo A ah,wasaarada gaashaandhiga ayaanu qabanay,wasaarada Caafimadka ayaanu qabanay,Ta Maaliyada ayaanu qabanay,wasaaradaha ugu waaweyn ayaanuna dawladihii soo jiray ka qabanay

Xisbigii Aanu Taageeranaynay ee aanu Maalkayaga,codkayaga,Naftayada,Hantiyada iyo Kartidayadaba Gelinay ee Kulmiye markuu dalka qabsaday Bililiqo ayuu nagu bilaabay,wuxuu keenay in Wasiirkii aanu Lahayn uu Isagu qaato oo Bililiqaysto oo dad Gaar ah Siiyo,Waxaanu is nidhi meeshaad kusoo Tacabteen Waa kulmiyee Haka hadlina oo saxaafad ha istaagina 8daas Sanadoodna waa u soo samraynay,inta Wasaaradood ee Dalka ka Jirta Agaasime Waaxeed kuma Lihin,Agaasime Guud kuma lihin,Waxaanu ku leenahayna Maba jirto,

Laba Wasiir ayaa iskaga Danbeeyey Wasaarada Madaxtooyada,Wasiirkii Hore Xirsi Cali Xaaji Xasan Wuxuu Noo gaystay haba yaraatee Ma jirto,Wasiirkii Ka danbeeyey Waa maxamuud Xaashiye waxyaabo badan ayuu noo Gaystay,Dhaawacyo badan ayuu noo gaystay,wuxuuna bilaabay inuu shaqaalaha anaga noo shaqeeya,ee reerkan Cumar u shaqeeya iyagoo markoodii horeba dhibanaa,inuu xilka ka qaado oo Haba qaadee uu Raaskiisa u Qaado,Waxaa ka mid ah Hayada Shaqaalaha Dawlada,Nin Cumar ah Ayaa Agaasime Guud ka ahaa,Wuuna Ka Eryay oo inaadeerkii Ayuu Geeyey,Saadka Ceerigaabo nin Cumar ah ayaa haystay,wuuna ka qaaday oo inaadeerkii ayuu Geeyey,Wiil yar oo Laascaanod ku jiray Sodonkii Imtixaanka Galay oo ku Guulaystay,oo Aqoontiisa kusoo baxay Wuu taakeeyey,oo ininkaasi shaqona ma hayo Meelna ma joogo,wuxuuna ku talogalay inuu cid kale geeyo,Shaqada waxaa nagaga daran Dhulboobka uu nagu Hayo,Dhulkayagii ayaa la qaatay,waa la boobay,waa la dhacay

Dadku hadii ay meel Dagaan waxay u Degaan inay ku Nastaan,balse hadii uu Qirinqiir kaaga Kaco waa Laga Guuraa,meeshuu Bahalkaasi kugu cuno Waa la iskaga hayaamaa,Waxaana aanu Kulmiye u Sahansanay dee Dhalinyarada Jaamacadaha nooga soo baxda iyo aqoonyahanka Beeshayada inay wax ka helaan oo Shaqooyin ay ka helaan,laakiin shaqooyinkayagii aanu xaqa u lahayn ayaa la boobay oo la qaatay wax nala siiyo iska daaye

Waxaanu markaas halkan Ka cadaynaynaa Anagoo ku Hadlayna Afka reerkayaga Inaanu nahay reer midaysan oo Isku Mid ah oo aan kala soconayn,reer aan la burburin Karin Baanu nahay reer isku tashaday baanu nahay waxaana aanu halkan ka bayaaminaynaa inaanaanu cidna u xidhnayn,Codka Caynaba Iyo Saraar Yaala 50% hadaanu ka badnayn Anagaa iska Leh,cid baanu ku Ridi Karnaa,waxaanu idin leenahay Xuquuqdayadii iyo Tii Ubadkayaga ayaad Duudsideen,boob ayaa Kulmiye iyo Xukuumadu nagu samayseen,wax kalsooni ah oo aanu idinku qabnaa ma jirto

3 Jeer ayaanu la Kulnay Wasiirka Madaxtooyada,sadexda Goorba balanqaad ayaa naloo sameeyey,3 jeerba Been ayaa naloo sheegay,Codkayaga ayaa noo haya inay ubadkayagu shaqo helaan,Codkayaga ayaa noo Haya Kuraasta Wasiirada ee aanu Xaqa u leenahay,Codkayaga ayaa noo Haya Halkaanu Degi Lahayn,Codka Cumar jibriil baa Haya”. Sidaa ayay yidhaahdeen haweenkani.

Comments

comments