Somaliland: Suldaan Maxamed Cabdiqaadir Oo Ka Digay In Muranka Golaha Wakiillada Lagu Waxyeeleeyo Amniga Qaranka

88

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay Muranka ka taagan Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada oo Axaddii Toddobaadkan loo doortay Baashe Maxamed Faarax.

Suldaan Maxamed oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in Cidda muranka Guddoomiye-nimada Golaha Wakiilladu doonayso inay abuurto Mushkilad amni-darro, taasi oo keeni karta burbur Dalka ku yimaadda, taasi oo uu xusay inay tahay wax aan suurto-gelayn.

Suldaan Maxamed oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan daawaday Guddoomiyaha loo doortay Golaha Wakiillada oo la hambalyeynayo, markaa Warkan ka daba yimid Waali mooyee waa Miyir qab lama odhan karo, Codka sida loo bixiyey Telefiishannada ayaa laga daawanayey, Codkaa la bixiyeyna waxa uu ahaa Cod Sax ah oo aan wax Khalad ahi ku jirin, Guddoomiyihii hore ee Goluhu wuu hambalyeeyay Ninkaa ku soo baxay Guddoomiye-nimada, kii la loomayey ee Talyanle ahaana wuu hambalyeeyay, markaa in la yidhaahdo Arrintii wax baa ka daba yimid waxay nagu noqotay Yoomal Qiyaamihii oo kale.”

Suldaanku wuxuu baaq u diray Xildhibaannada Golaha Wakiillada “Waxaan leeyahay Baarlamaanku waa inay Ummadda ka xishoodaan oo ay tixgeliyaan, haddii kale Ummaddu waxay ka qaadi kartaa Tallaabo Cad.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waanu ka xunnahay waxa ku dhacay Guddoomiyaha la doortay, waxaana la doonayaa in Arrintan uu Burburka Somaliland ka dhasho, taasina mid Suurto-gal ah maaha.”

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa kale oo uu sheegay inay ka hor-tagayaan Cid kasta oo Dalka Qallalaase gelin karta “Annaga waxa noo horreysay Weedh, taasi oo ahayd Ciddii Waddanka Rabash kala baxda in aanaan Gacanta kala dambayneyn.”ayuu yidhi.

Comments

comments