Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo xalay ku dhawaaqey in uu yahay gudoomiyaha rasmiga ah ee golaha wakiilada Somaliland waxaa uu ka war bixiyey kulan uu maanta la yeeshay gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland .

Xildhibaanka ayaa sheegay in Gudoomiyaha uu ku war galiyey in doorashadii shalay ee golaha wakiilada la is dabo mariyey isla markaana uu arimahaasi gudoomiye Saleeban Su,aalo ka weydiiyey

Sidoo kale xildhibaanka ayaa cadeeyey sababta isaga oo markii hore u hanbalyeeyey Baashe Maxamed Faarax in uu iminka dib ugu dhawaaqo in uu isagu gudoomiye yahay ay tahay ka dib markii ay  cadaatey in doorashadaasi mid la isdabo mariyey qaabkii codadka loo kala helay oo uu isagu helay 39 Xildhibaan codkooda

Dhinca kale xildhibaanka ayaa carabka ku dhuftey in khilaafkani   uu gaadhi doono maxkamada sare ee dalka , isla markaana  ay isla maanta ba ay dacwadaasi gudbiyeen

 

Comments

comments