Somaliland: Khaatumo Oo U Kala Jabtay Laba Garab Oo Waaweyn, Koox Diiddan Wada-hadallada Somaliland Oo Madaxweyne Ku Doortay Buuhoodle Iyo Caqabadaha Muuqda

36

Khilaaf u dhexeeyay Madaxweynaha Kooxda Khaatumo iyo ku-xigeenkiisa oo dhawaan Xilka laga qaaday ayaa Cirka isku Shareeray isla-markaana Jawi cusub geliyey Xaaladda Siyaasadeed ee Khaatumo.

Kooxda Khaatumo ee uu hoggaamiyo Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaa Toddobaadkan shaaciyey inay Xilka ka qaadeen Madaxweyne ku-xigeenkii Kooxdaasi Cabdalle Maxamed Cali Haybe, ka dib markii uu Magaalada Muqdisho kaga qayb-galay Shir lagu Abaabulayey Shir-beeleed la doonayo in lagu qabto Magaalada Buuhoodle, kaasi oo Kooxda Cali Khaliif Hoggaamiyo u arkeen in lagu Minji-Xaabinayo.

Laakiin, Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Khaatumo isla-markaana ka soo horjeeda Siyaasadda Cali Khaliif Galaydh iyo wada-hadallada uu kula jiro Somaliland ayaa Shir ay Shalay ku qabteen Madaxtooyada Buuhoodle waxay Madaxweyne ugu doorteen Cabdalle Maxamed Cali Haybe, waxayna sheegeen inay Xilka ka qaadeen Cali Khaliif Galaydh oo ka maqan Buuhoodle.

Siyaasiga ay Xildhibaannada Baarlamaanka Khaatumo badhkood sheegeen inay Madaxweyne u doorteen, ayaa waxay hore Cali Khaliif iskugu khilaafeen Wada-hadallada uu la bilaabay Somaliland, taasina waxay keentay in Cali Khaliif shaaciyo in Xilka laga qaaday Mr. Haybe. balse Go’aankaasi waxa ka dhashay in Baarlamaanku kala qaybsamo intooda ka soo horjeeday Siyaasadda Cali Khaliifna ay Madaxweyne u doortaan Mr. Haybe.

Sidoo kale, Xildhibaannada Baarlamaanka Khaatumo ee ka soo horjeeda Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegay inay xilka ka qaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cumar oo taageersan Siyaasadda Galaydh, Xilkaana u doorteen Cabdillaahi Xasan Jaamac (Baydhabo) oo ka mid ahaa Afar Xildhibaan oo hore uu Baarlamaanka uga saaray Guddoomiyaha la sheegay in Xilka laga qaaday Maxamed Sheekh Cumar, iyagoo sidoo kalena isla goobtii ku dhaariyey labada Xubnood ee ay doorteen.

Doorashada Xubnahan ayaa ku soo beegantay Maalin uu ka dib, markii Guddoomiyaha Baarlamaanka Kooxdaasi ee la sheegay in Xilka laga qaaday Maxamed Sheekh Cumar uu Saxaafadda ka sheegay in loo tartamayo Booska Madaxweyne ku-xigeenka ee uu banneeyay Haybe, “Waxaanu halkan ku soo gudbinaynaa Xilkii Madaxweyne ku-xigeennimo ee laga qaaday Mudane Cabdalle Maxamed Cali Haybe in Maanta aanu iclaaminay in illaa 20-ka bishan August, 2017-ka in Cid kasta oo isku sharraxaysa oo danaynaysa ay ka soo qayb-gelayaan, waxaanu arrintaa u samaynay Guddi, Guddigaa ayay Araajidooda ku soo hagaajinayaan., waxaanu doonaynaa inay hawshaasi innaga dhammaato labaatanka bishan….”ayuu yidhi Maxamed Sheekh Cumar oo hadlayey Shantii Bishan.

Kala qaybsanaanta Kooxda Khaatumo ayaa caqabad ku noqon karta Wada-hadallada Nabadeed ee Cali Khaliif Galaydh ka waday Somaliland, maaddaama oo Ninka la sheegay in Madaxweynaha loo doortay ka soo horjeedo Wada-hadallada Somaliland.

Cabdalle Maxamed Cali Haybe, ayaa bishii hore Magaalada Muqdisho kaga qayb-galay Shir ay Dawladda Soomaaliya abaabushay, kaasi laga soo saaray Go’aamo ay ka mid yihiin in Dawladda Soomaaliya aqoonsato Khaatumo.

Comments

comments