Xukun Maxkamadeed Oo Lagu Fuliyay Askar Shaqo Joojin Sameysay !

69

Maxkamad ku taalla Dalka Masar ayaa xukun saddex sano ah ku fulisay 50 Askari oo sanadkii hore  bilawgiisii shaqo joojin sameeyay sida ay baahiyeen wakaaladaha wararka Xukuumada Dalkaasi.

Askartan oo dhammaantood derajada ay sitaan ay tahay mid hoosaysa ayaa lagu xukumay gannaax lacageed oo min 330 Dollar, arrintaasina waxa xaqiijisay wakaalada wararka ee Al-ahram  oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay.

Askartan ayaa shaqada joojiyay bishii koowaad ee sanadkii hore markii hoos loo dhigay fasaxoodii, taasi oo lagu soo eedeeyay inay madaxdoodu ugu hanjabeen, waana arrinta keentay in xukunkani gannaaxa iyo xadhiga iskugu jira lagu fuliyo.

Comments

comments