Somaliland: Xisbiyada KULMIYE Iyo WADDANI Oo Maanta Ku Kala Calaf Qaadi Doona Hanashada Kursiga Gudoomiyaha Wakiilada Somaliland Iyo Magacyada Murrashaxiinta Ilaa Hadda U Tartamaya Jagada Gudoomiyaha

62

Xildhibaannada golaha Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta oo Axad ah u fadhiisanaya sidii ay u dooran lahaayeen gudoomiye cusub ka dib markii uu xilkaa iska casilay gudoomiyihii hore Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo mudo laba iyo toban sanadood ah soo hogaaminayey golaha.

Waxaaan fadhigan saaka uu loolankii ugu adkaa dhex marayaa xidhibaanada xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE oo dhinac ah iyo xildhibaanada mucaaradka ah oo iyaguna dhinac ah,waxaana ay labadan dhinacba wataan murrashaxiin u taagan inay buuxiyaan jagadii uu arbacadii baneeyey gudoomiyihii hore ee golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro”.

Waxaana ilaa xalay ay murrashaxiinta han-maaganayaasha ah ee u tartamaya jagada gudoomiyaha wakiiladu ay ilaa xalay shirar doceedyo goonni gooni ah kula jireen xildhibaanada golaha wakiilada Somailand oo iyagu maanta fartaag ku dooran doona gudoomiyaha cusub ee majaraha u hayn doona inta ka hadhay doorashada golaha wakiilada Somaliland oo la qoondeeyey inay dhacdo sanadkan 2019,waxaana murrashaxiintan uu loolan adag ku dhex maraya booskaasi uu baneeyey Cabdiraxmaan Cirro iyaga oo mid kastena dhinaciisa guclo orod ugu jira sidii uu u hanan lahaa hogaaminta golaha wakiilada Somaliland uguna fadhiisan lahaa kursiga gudoomiyaha.

Waxaana xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE oo dhinac ah ay wataan isla markaana ku badhitaarayaan in ay ku fadhiistaan kursigaasi midkood gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha wakiilada Somaliland oo la filayo inuu maanta isna ku dhawaaqo inuu is casilay Baashe Maxamed Faarax iyo xildhibaan Saleebaan Cali Koore,waxaana xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ay damacsan yihiin in labadaasi murrashax midkood ku fadhiisto kursiga gudoomiyaha Wakiilada Somaliland si aan kursiga gudoomiyuhu gacanta muxaafadka uga bixin,halka ay xildhibaanada mucaaradka ahina ay wataan isla markaana ay hanashada kursigan ku badhitaarayaan xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo isna ku jira murrashaxiintan,waxaana goluhu maanta uu u kala qaybsan yahay Muxaafad iyo Mucaarad,iyaga oo dhinac kastena uu ku dadaalayo si aan booskaasi gacantooda ugu bixin.

Saaka jawiga xarunta golaha wakiilada Somaliland ayaa aad xaraaradiisu u kacsan tahay,waxaana laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq siyaasadeed iyo kala jiidashada xildhibaanada golaha Wakiilada Somaliland,iyaga oo xildhibaanada golaha wakiiladuna ay kusoo qulqulayaan hoolka shirarka ee golaha wakiilada Somaliland,waxaana sidoo kale indhahaagu ay qabanayaan xildhibaanada oo koox koox u taagan isla markaana ka wada hadlaya tartankan adag ee maanta dhex maraya saddexda xildhibaan ee u tartamaya kursiga gudoomiyaha.

Ilaa hadda lama garanayo cidda ku guulaysan doonta kursigaasi,bulshadda Somaliland ayaa iyaguna aad Isha ugu haya cidda ku guulaysan doonta hogaaminta golaha wakiilada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cirro dabadii.

Gabagabadiina goor dhaw ayay hoolka kalfadhiyada wakiilada ay ka bilaabmaysaa doorashada gudoomiyaha cusub ee golaha wakiilada Somaliland muddo 12 sano ah kadib.

Comments

comments