DegDeg: Farmaajo oo Balan Qaaday Lacagta Ololaha Xisbiga WADDANI iyo Hogaanka Xisbiga oo Maleegaya Fal,Lagu Mijo-Xaabiyaan Qadiyada Somaliland

Hogaanka Xisbiga WADDANI Maleegaya Fal,Lagu Mijo-Xaabiyaan Qadiyada Somaliland Iyo Madaxweyne Faramaajo Oo Balan Qaaday Lacagta Ololaha Xisbiga WADDANI.

Maalmihii U Danbeeyay Waxaa Isa Soo Taraayay Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbiga WADDANI Oo Is Casilayey,Kuwaas Oo Dhamaantood Ka Gaabsanaayay Sababta Ka Danbaysa Is Casilaadooda,Balse Waxaa Markii Ugu Horaysay Fashiliyey Sababta Laysaga Casilaayo Xisbiga WADDANI  Siyaasi Mustafe Xuseen Cali Oo Kamid Ahaa Golaha Dhexe Ee Xisbiga WADDANI,Isla Markaana Is Casilay Maanta.
Siyaasi Mustafe Xuseen Cali Oo Kamida Golaha Dhexe Ee Xisbiga WADDANI Ayaa Markii Ugu Horaysay Qodobeeyay Sababta Keentay In Siyaasiyiin UDub Dhexaad U Ah Xisbiga WADDANI Ay Iskaga Dareeraan,Waxaanu Sheegay.
1. In Aanay Jirin Wax Talo Ah Oo Gacanta Ugu Jirta Murashaxa Xisbiga WADDANI,Mudane,Cabdiraxmaan Maxamed Cllaahi Cirro,Balse Ay Jiraan Siyaasiyiin Ay Murashax Cirro Isku Beel Yihiin,Kuwaas Oo Xaga Danbe Ka Maamulaya Xisbiga,Isla Markaana Xisbiga Ka Dhigay Xisbi Aan La Wada Lahayn.
2,Siyaasi Mustafe Waxa Uu Carabka Ku Adkeeyay In Xisbiga WADDANI Mad,madaw Geliyey Qadiyada Iyo Jiritaanka Somaliland Isla Markaana Xisbiga WADDANI U Jahaystay Somaliya Taas Oo Keentay In Siyaasiyiin Badan Saluug Ka Muujiyaan Isla Markaana La Dhegaysan Waayey Taladooda.
Sidoo Kale Siyaasi Mustafe Xuseen Cali Ayaa Sheegay In Xisbiga WADDANI Xeer Hoosaadkiisa Kamid Yihii,Xeerar Ay Ka mid Yihiin Qodobo Diidaya Inay Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI U Jawaaban Dawlada Somaliya Iyaga Oo Sheegay Inay Jiraan Qorsheyaal Kale Oo Diidaya In Ay U Jawaaban Dawlada Somaliya.
Sidoo Kale Siyaasi Mustafe Ayaa Si Dadban U Sheegay In Xisbiga WADDANI Lacagta U Badan Ee Uu Ku Gelaayo Ololaha Doorashada Ay Bixinayaan Madaxda Sar Sare Ee Dawlada Somaliya.
Ilo-Wareedyo Aanu Helayno Ayaa Sheegaya In Siyaasiyiinta Ugu Saraysa Xisbiga WADDANI Ay Heshiis Qarsoodi Ah La Galeen Dawlada Federaalka Somaliya Isla Markaana Xukuumada Faramaajo Bixinayso, Lacagta Ugu Badan Ee Xisbiga WADDANI Ku Gelaayo Ololaha Doorashada Madaxtooyada, Ee La Filaayo Inay Ka Dhacdo Somaliland.

Comments

comments