Somaliland: Sheekh Aadan-Siiro Oo Ku Taliyay In Shacabka Looga Faa’iideeyo Dhulka Kiniisada

72

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Dooddii ka dhalatay Kiniisadda ku taalla Hargeysa ee dhawaan dib loo furay, taasi oo aakhirkii Xukuumaddu sheegtay in la xidhay.

Sheekh Aadan-siiro waxa kale oo uu khudbaddiisa Jimcaha kaga hadlay dhibaatooyinka dhaqan iyo Diimeed ee ka dhasha Dumarka ka qayb-qaata Ololeyaasha Xisbiyada, iyaga oo aan asturnayn.

Sheekha oo ugu horreyn ka hadlaya Kiniisadda Hargeysa ee Xukuumaddu Albaabada u laabtay, ka dib markii dhawaan dib loo furay ayaa yidhi “Khudbaddan waxaynu ka samaynay Dooddii ka dhalatay Kiniisad la doonayey in dib looga yagleelo Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa. Dareenkii Ummadda bixisay iyo dareenkii Culimadu ka bixiyeen (Kiniisadda) ayaa keenay in Xukuumaddu ay Go’aan deg-deg ah soo saarto. Waxaanu u Mahad-naqaynaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta markii uu Garowsaday wixii Culimadu soo jeediyeen, ee uu yidhi lama furayo, laakiin waxaanu jecellahay meeshaa wax Ummadda wax u tara (Ha laga dhigo) waayo? Dhul baynu u baahanahay, meeshanna waa badhtamihii Magaalada.”

Sheekhu waxa kale oo uu sheegay “ILAAHAY Qur’aanka wuxuu ku sheegay ‘Kooxi ha idinka mid ahaato Dadka wanaagga ugu yeedha oo Dadka fara waxa wanaagsan, una diida waxa xun’ kuwa noocaas ahi waa kuwa liibaanay’. Culimadu waxay leeyihiin haddii Magaalo laga waayo Dad isku taaga inay Dadka Wanaagga faraan, xumaantana joojiyaan, Magaaladaasi oo dhan waa Dambiileyaal. Taasi waxa la mid ahayd Kiniisaddii Maalintii dhawayd, haddaynu is huursano oo Culimadu ka hadli waayaan. Waxaan bogaadinayaa Ururka Dhallinyarada ah ee Dalsoor la yidhaahdo oo matalaya Ardayda Jaamacadaha, kaasi oo si Caqli iyo Cilmi ah u tilmaamay in Kiniisaddaasi aanay meel ku lahayn (Somaliland), sida ku taalla Dastuurka Ummaddani ku heshiisay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Culimada kii ugu horreeyay iyo kii ugu dambeeyay waxay isku waafaqsan yihiin inaan Dal Islaam ah laga dhisi karin Macbad, ama Hinduus ha lahaado, ama Ortodhox ha lahaado ama mid ha noqdo mid Buudhisam leeyahay. Kiniisaddan (Hargeysa) waxa sameeyay Ingiriiska oo markii horeba Baaddil ku qabsaday Dalkan oo Dad Muslimiin ahi ku nool yihiin, waxay ahayd Maalintii ugu horreysay ee Xorriyadda lala soo noqday in Albaabada loo xidho, mar haddii Dalkii xorroobay, Ninkii samaystayna uu meeshii iskaga tagay. Waxaanu leenahay Culimadu meel wanaagsan bay istaageen, Xukuumadduna way ku mahadsan tahay hadday qaadatay markii Umaddu ka dhiidhiday in waxaasi aanu Sharci ahayn, laakiin waxaanu leenahay in la Kabo-raaciyo ayay ku Qurux badan tahay.”

Sheekhu wuxuu ka hadlay Dunuubta ka dhalata haddii Dadku si aan Aqooni ku jirin uga hadlo arrimaha Caqiidada Dadka la xidhiidha “Waxyaabaha Caqiiqada ku saabsan oo ah Kitaabkaa waxa ku sugan iyo Sunnaha Rasuulka (CSW) xorriyad maaha,  waa aasaasiyaadka Iimaanka, 13 Rukni oo Islaamku leeyahay maaha wax dood gelaya, Arkaanul Iimaanka waa la yaqaanaa, Arkaanu Islaamka waa la yaqaannaa, Arkaanul Ixsaankuna waa laba, 13-kaa ayuu Islaamku ku taagan yahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Arrimaha Gaalaysiinta ee Gaaladu ka waddo Dalalka Muslimku aanay ahayn wax cusub ee ay tahay hawl muddo dheer laga soo shaqeynayey “Arrimahan dhacayaa (Gaalaysiintu) maaha wax imika iska yimid ee waa Arrin muddo dheer laga soo shaqeeyay.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud oo khudbaddiisa sii wadaa wuxuu yidhi “Rasuulku wuxuu yidhi, haddii Xumaantu badato waa la idin halaagayaa, markaa Kiniisaddaasi Sharci ahaan ma bannaana oo Islaamkuna ma ogol, Ciddii doontaa ha wadato, ama mid Qandaraasle ahi ha wato, ama mid meel kale laga soo diray ha wato. Hadday isla wada aamusto dhammaanteen dhibaatadu way saamaynaysaa, ILAAHAYNA dhibaatada siduu u bixinayo isagaa yaqaanna.”

Sheekh Aadan-Siiro waxa kale oo uu ka hadlay Dumarka Reer Somaliland ee ka qayb-qaata Ololeyaasha Xisbiyada “Waad ka murugoonaysaa (Markaad aragto) Hablaheennii Quruxda badnaa iyo Hooyooyinkeen oo leh Hebel baan u ololaynayaa, waxaad arkaysaa Hooyo toban Carruur ah dhashay oo intay isa soo qaawisay garab taagan Nimanka leh wax-baanu doonaynaa, waxaad arkaysaa Hablaheennii ay Guryaha la jeclayn (inay joogaan) oo Baabuurta dusha ka foolaya oo leh Hebel-baanu u ololeynaynaa, oo kii ay Walaalaha ahaayeen (Habluhu) uu arkayo Habar-yartii oo Qaawan oo qaylinaysa oo leh Hebel-baan u ololaynayaa, Waar ILAAHAY ha laga yaabo oo Nimanka Kibrey ee Lacagtii Ummadda isticmaalaya ee Dumarkeennii Isticmaalaya, ha lagu yidhaahdo Ragga uun ha qayliyaan, ee Hablaha uun ha laga daayo. Halkay ku taallaa Hablo intaas oo Carruur ah leh inta la kaxeeyo oo intaas oo Baabuur la saaro la geeyo Bari Guntii oo la yidhaahdo Olole ayay ku jirtaa ? oo ay intaas habeen ay Hooyooyinkaas ama Hablahaasi maqnaadaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ku baaqay in wax laga qabto Dadka Itoobiyaanka ah ee Maandooriyaha loo yaqaanno XASHIISHADDA ku iibiya Suuqyada Hargeysa, gaar ahaan Suuqa Gobanimo, qaybtiisa Xisbiga.

Comments

comments