Wakiilka Somaliland u qaabilsan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya Dr Edna Aadan ayaa waxaa ay markii ugu horeysay ay si kulul uga hadashey Hadal ay dhawaan ay sheegtay Haweenay Ajaanib aheyd oo ka hawl gasha Jamacada Edna Aadan University  taas oo  sheegtay in ay Hargeysa u timid sidii ay Kaniisad uga Furi laheyd

Marwo Edna Aadan ayaa sheegtay in ay wax laga xumaado ay tahay khubadii ay jeedisay haweeneydaas ajaanibka aheyd  isla markaana aaney raali ka aheyn , waxaana ay Dr Adna ay sheegtay in maanta waxii ka danbeya ay shaqaalaha ajaanibka ah ee u iman doona ay shuruudo ku xidhi doonto

” Raali kamaan aheyn waxii ay gabadhaasi ku hadashey , hadii ay halkan isbitalka Edna ka dhex tidhaahdo iyo hadii ay Jaamacada ALPHA ka tidhaahdo labadaba dalkeyga Somaliland ayey ka tidhi , raalina kama nihin iyada iyo cid kale toona .

Laba bilaabo maanta qofkii Ajaanib ah ee ii yimaada Warqad Ayaan ka qorayaa oo aan ka saxeexayaa oo aan leeyahay mudadaas aan wadanka Somaliland joogto hawshaas aad u timid ee aad tidhi waan qabanayaa waan kugu soo dhaweynaynaa lakiin se inta  aad wadan kayaga aad joogto wax diintayada faro galinayaa ama dadkayaga dimo kale u soo jiidaya kaama ogolin ” ayey tidhi Marwo Edna Aadan

Comments

comments