Somaliland: Maayirkii Degmada Gabilay Oo La Sheegay Inuu Tahriibay, Shaqaalihii Dawladda Hoose Oo Aan 2 Bilood Mushahar Qaadan iyo Xildhibaanadii Oo Baafinaya

47

Maayirkii magaalada Gabilay Maxamed Amiin Cumar Maxamed ayaa sida la sheegay in muddo ah aan ka soo daahirin xarunta golaha deegaanka ee Gabiley iyo guud ahaan gobolka Gabiley.
Xildhibaan Xasan Axmed Maxamed (Dhagjar) oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka Gabilay ayaa sheegay inuu Maayir Maxamed Amiin in muddo ah maqnaa hase yeeshee ugu dambayn la xaqiijiyey inuu Jabuuti u joogo qaadashada baasaaboorka dalkaas, waxaana sidoo kale xildhibaanku uu sheegay inuu Maayirkii qorshaynayo inuu tahriibo isla markaana uu baasaaboorka dalka Jabuuti uu ku galo dalalka qaaradda Yurub.

Xildhibaan Dhagjar ayaa sidoo kale sheegay in shaqaalaha dawladda hoose ee degmada Gabilay aan illaa hadda la siin wax mushahar ah labadii bilood ee u dambeeyey, xildhibaankan oo arrimahas ka hadlayaana waxa uu yidhi:
“Maayirkii Gabiley horta lama arag muddo badan, laakiin waxa warkii u dambeeyey sheegay inuu todobo cisho horteed inuu u baxay dalka Jabuuti oo uu Baasaaboorro u doontay oo uu tahriibo uu doonayo, markaa maayirkii mar haddii uu magaaladii Gabiley tahriib ka door biday waxay noqonaysaa inay maayir cusub doortaan oo ay booskaas buuxsadaan, shaqaalihii dawladda hoose laba bilood mushahar may qaadan, Maayirkiina waxa uu noqday guddoomiyihii xisbiga KULMIYE oo uu ilaabay dantii ay umadda reer Gabilay wada lahayd oo uu tu tagri-falay lacagtii iyo hantidii agoomaha isagoo u isticmaalay inuu ugu ololeeyo xisbiga KULMIYE mararka qaarna uu ku faano inuu Muuse Biixi Cabdi u geeyey lacag”.

Comments

comments