Somaliland: Loolan Loogu Jiro Kursiga Gudoomiyaha Golakiilada Oo Kor U Kacay Iyo Xildhibaanada Ugu Cad Cad .

43

Waxaa todobaadkii hore Iska Casilay Xilka Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md Cabdiraxman Cirro oo Xilkaas Ku Fadhiyay 12 Sano, Waxaana Intii Ka Dambeysay Is Casilaada Lolan Xoogan Ugu jiraan Mudanayaal ka Tirsan Golaha Wakiilada Inay Xilkaas Qabtaan.

Ila Hadda Mudanayaasha Golaha Wakiilada Ugu Cad Cad aya Kala ah Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax, Xildhibaan Cabdiraxman Talyaani iyo Saleeban Cali Koore

Mudanayaasha Ugu Cad cad ayaa Dhamaantood Ka Soo Jeeda Gobolka Sool, waxaana ilaa hada la Sheegaya in gudoomiye ku xigeenka Golahaasi Xil Baashe Maxamed Faarax aanu iska casilin xilkaasi si uu gudoomiye ku xigeenka golaha si uu ugu tartamo kursiga gudoomiyaha golaha wakiilada

Dhinaca kale xogahan ayaa sheegay in Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle uu Isago Noqday Masuulka Keliya ee Ila Hadda uu Diyaar Garoobay Tartanka Booska Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Xareeyayna CV’giisi, Waxaana la Sheegaya Inuu haysto Tageerayaal Badan oo Ka Tirsan Golaha Wakiilada.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in xisbiyada qaranka gaar ahaan labada xisbi ee Waddani iyo Kulmiye ay tartan ugu jiraan sidii ay kuraastaas u hantiyi lahayeen , waxaana lagu kala calaf qaadi doonaa Kuraastaas maalinta Axada ah ee soo socota

Comments

comments