Somaliland: Shir-guddoonka Guurtida Oo Laba Toddobaad Ku Mashquulsan Ambo-bixinta Xildhibaanno Loo Dirayo Ceel Af-weyn

47

Golaha Guurtida Somaliland, ayaa weli ku mashquulsan Ambo-bixinta Wufuud u baxaya Gobollada Awdal, Selel, Togdheer iyo Sanaag, kuwaasi oo ujeeddooyin kala duwan loo dirayo.

Xildhibaannadan oo Qorshuhu ahaa inay Saddex Maalmood ka hor ka baxaan Hargeysa ka dib, markii Shir-guddoonku ka soo xulay Mudaneyaasha Golaha Guurtida, ayaan illaa hadda safarkoodii bilaabin sababo jira awgeed.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo Shalay ka hadlay Xarunta Guurtida ee Hargeysa, ayaa sheegay in Weftigii ay u dirayeen Degmada Ceel Af-weyn oo dhawaan Dagaal ku dhex maray laba Beelood oo Walaalo ah la Caddilay, ka dib markii labada Beelood ee dhibaatadu dhex taallaa ay laba Xubnood mooyaane intii kale iskaga tageen.

“Weftigii u baxayey Bariga waanu Caddilnay, oo labadii Reer ee dhibaatada guud ka timid laba Nin oo xidhiidhiye ah mooyaane intii kale way iskaga tageen..” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaanu intaa u daray oo uu Guddoomiye ku-xigeenkiisa ka codsaday inuu Saxaafadda u akhriyo Magacyada Xildhibaanno uu sheegay in loo dirayo Bariga “Markaa waxaan jecelahay in Siciid (Guddoomiye ku-xigeenku) inoo mariyo (Magacyada Xildhibaannada loo dirayo bariga)…”

Yeedhinta Magacyada Xildhibaannada loo dirayo bariga ee Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Saxaafadda u akhriyey ka dib, Guddoomiyaha Golaha Guurtidu wuxuu ku war-geliyey Xildhibaanno loo dirayey deegaanka Xariirad ee Gobolka Selel in la hakiyey oo ay muddo Dhowr Maalmood ah joogi doonaan Hargeysa, “Qoladii u baxaysay Xariirad (waxaan leeyahay) waxogaa Hakad ah ayaa inna soo galay, markaa laba ama Saddex Maalmood way na sugayaan. Inta kale (Xildhibaannada kale ee Golaha) ee aan hawsha loo dirin waa inoo tobanka bisha..” ayuu yidhi.

Comments

comments