Somaliland: Dabley Hubaysan Oo Xalay Duleedka Buuhoodle Ku Dilay Nin Darawal Ah

73

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn soona gaadhaya Ramaasnews ayaa waxay sheegayaan in deegaan hoos yimaada Buuhoodle xalay ay dabley hubaysani ku dileen nin darawal ah .

Ninkan ayaa lagu dilay sida naloo sheegay deegaanka Maygaagle oo hoos yimaada Buuhoodle,waxaana ninkani uu dhalasho ahaan kasoo jeeda gobolka Togdheer.

Ninkan xalay ay dableydu dishay ayaa waxa uu ahaa darawal wada mid kamid ah gaadiidka Qaadka ee kasoo baxa Burco qaadkana keena Buuhoodle.

Ilaa hadda lama garanayo sababta loo dilay ninkaasi iyo ciddii dishayba,waxaana ciidamada Booliska gobolka Togdheer ay bilaabeen hawl gallo ay kusoo qabanayaan dableydaasi xalay dilka u gaysatay marxuunka.

Comments

comments