Somaliland: Guddoomiye Cirro Oo Hadda Shaaca Ka Qaaday Inuu Iska Casilay Xilkii Guddoomiyaha Wakiilada Iyo Tirada Xildhibaanada U Codeeyay

43

Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo muddo 12 sano ah hayay xilka guddoomiyaha wakiilada Somaliland ayaa hadda si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilka gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland.

Fadhigan saaka oo xasaasi ah isla markaana ay kasoo xaadireen badiba xildhibaanada wakiiladu ayaa waxa loo qaybiyay xildhibaanada ka hor intaan Cirro is casilin buugaag ka hadlaya waxqabadkii golaha wakiilada Somaliland intii uu gudoomiye Cirro xilka hayay.
Waxaana intaasi kadib uu iminka si rasmi ah gudoomiye Cirro ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi isla markaana uu u madax banana yahay hawlihiisa gaarka ah,sidoo kalena waxa uu shaaca ka qaaday in uu u tartamayo jagada ugu saraysa dalka ee ah madaxwaynaha Somaliland sidaas darteedna uu uu iskaga casilay xilkii qaranka uu u hayay.
Gudoomiye Cirro ayaa mudanayaasha hortaada waxa uu ka akhriyey taariikhdii kala gadisanaa ee goluhu so maray mudadii 12-ka sanadood ah,carqaladihii lasoo gudboonaatay golaha ee ay xaliyeen,waxqabadkii uu qabtay goluhu intii uu xilka hayay,xeerarkii uu goluhu ansixiyey iyo qodobo kala duwan oo xasaasi ah.
Sidoo kalea gudoomiye Cirro waxa uu xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland u jeediyey dardaaran dhinacyo badan taabanay,isaga oo ku adkeeyey in xildhibaanadu ay ilaaliyaan xasaanadda ay leeyihiin isla markaana iska cafiyaan wax kaste oo soo kala dhex galay,isaga oo sidoo kalena ku adkeeyey in ay meel adag ka taagnaadan xilka ay Qaranka u hayaan mudanayaashu.
Waxaana xildhibaanada soo xaadiray ay tiradoodu dhamayd 71 xildhibaan,waxaana cod gacan taaga ku ansixiyey in ay ku raacsan yihiin iscasilaada Cirro 70 mudane,gudoomiyuhuna muu codayn,waxaana sidaasi uu gudoomiye Cirro kaga dagay xilka gudoomiyihii wakiilada Somaliland.
Kalfadhiigi xasaasiga ahaa ee xildhibaanadu saaka iskugu yimaadeen ayaa wali ka socda xarunta Baarlamaanka Somaliland,waxaana la filayaa in maalinka Axadda ay xildhibaanada golaha wakiiladu doortaan mudanihii buuxin lahaa booska gudoomiye Cirro baneeyey.

Comments

comments