War Deg Deg Ah: Guddoomiye Cirro Oo Sheegay Inu Maalinta Barito Ah Iska Casili Doono Golaha Wakiilada Iyo Cida La Wareegi Doonta

Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland isla markaana ah musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani ayaa waxaa uu ka Hadley fadhi aan caadi aheyn oo uu beri isku yeedhay mudanayaasha golaha wakiilada

Gudoomiye Ciro ayaa sheegay in fadhigaasi uu yahay mid mihiim ah isla markaana uu war bixin mihiim ah siin doono , war bixintaas oo ku saabsan su,aal ay saxaafadu inta badan weydiin jirtay

” Bari subax waxaan aan fadhi aan caadi aheyn isku yeedhay isku yeedha mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland si aan warbixin mihiim ah aan u siiyo , saxaafadana marar badan ayey su,aalo u weydiisoo si aan jawaabteedau siiyo ” ayuu yidhi gudoomiyihu

Gudoomiye Ciro ayaa Bari la filayaa in uu golahaas u akhrin doono warqadiisa is casilada , isla markaana uu dadaal xoogan u gali doono sidii uu u noqon lahaa madaxweynaha Somaliland oo uu u sharaxan yahay

Comments

comments