Somaliland: “Kooxda Halkan Fadhidaa Waa Raggii Madaxweyne Siilaanyo Dabada Hayay,Ee Cayda Iyo Dhibta Ku Hayay,Waa Alle Mahadii Kol Haddii Ay Mabda’aygii Qaateen,Iyagoon Kiniin Cunin Oo Ay Kulmiye Iigu Yimaadeen”.

44

Hadii Koox Gaar Ah Oo Danno Gaara Lihi Ay Saamayn Weyn Ku Yeeshaan Go,Aamada Xasaasiga Ah Ee Qarankan Oo Ay Keligood Meelmarsadaan,Waxaa Abuurmi Kara Wax Aan Inoo Wanaagsanayn”

Ciyaalnimadaydii Waxan Xasuustaa,Riwaayadihii La Daawan Jiray,Marka U Dambaysa Ee Heestii U Dambaysay Socoto,Dadku Way Sarakacaan Waxaan Uu Askarigu Soo Daayaa Dadkii Tigidhada Awoodi Waayay,Markaasay Dadkii Proud-Ka Ahaa Dibada U Baxaan,Anigu Baxaye,Axmadaw Soo Dhawaw’.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Qaranka Somaliland Cali Xaamud Jibriil oo shalay xilkii Wasaaradda Wareejiyay ayaa weerar afka ah ku qaaday Masuulkii Shalay xilka kala wareegay Axmed Xaaji Daahir iyo Wasiirul Dawlaha Amniga Maxamed Muuse Diiriye oo markaa isna agfadhiyay,dhinacana ku hayay Masuulkan xilka la wareegay,waxa uu Cali Xaamud ku tilmaamay rag uu Xisbigoodii UDUB hore uga soo badiyay oo madba’ Kulmiye diidaan balse imika tiisii qaatay oo uu ka saxsanaa,Waxa uu ka hor akhriyay sida ay Madaxweynaha hadda Xilalka ku taxay dabada hayeen oo geed dheer iyo mid gaabanba ay ugu soo fuuleen sidii ay guul daro u bidi lahaayeen,Waxaanu nasiib daro ku tilmaamay inay wakhti riwaayadu sii gabo gabo tahay uu soo galay Axmed Xaaji Daahir, Waxaanu halkaasi ugu Akhriyay Sheeko maldahan oo aad uga qoslisay dadkii hoolka munaasibadaasi ku sugnaa.

Ugu horayn waxa uu Weerarkiisa ku bilaabay sidan“Aniga maanta layga waanin maayo, layna sheegi maayo mabda,ii aan Madaxweynehayga ku Raacay, kol haddii inta halka fadhiida oo Xisbigii UDUB ahaydba ay Mabda,aygii soo galeen, Aad iyo Aadbaan ugu faraxsanahay, inaad maanta mabdaygii aad qadataan oo Aad igu timaadan Madaxweynihii shalay-toole Aan dhisayay Ee aad idinkuna dabada hayseen ee aad cayaayseen,ee aad dhibayseen, idinka oo aan Kiniin liqiin Aad iyo Aad ayaan ugu faraxsanahay, maalin ay igaga farxad badantahay ma jirto, maxaa yeelay Anigu ma dhaqaaqin, halkaygiibaan Joogaa, waanan joogi jiray, Waanan Joogi doonaa, waxaan idinku waaninayaa idiinku inaydaan kulmiye ka leexaan, waxaan ku faraxsanahay inay xisbiga yimadaan kooxdii mabdi,iisa diidanayd”. Ayuu Yidhi Cali Xaamud Jibriil
Waxa kale oo uu yidhi“ Hadii aynu ilaashan wayno wixii aynu ku heshiinay oo aynu nin jeclaysi,Qaraaba-kiil dalkan laga bilaabo, Waxa xaqiiqo ah inaynu farta dhexda ka qaniini doono, haddii inbadan dadku kala qaybsamaan, waxaa Inbadan ka fa,iideysan doona cadawga Somaliland,Haddii koox gaar ah oo dano gaara leh ay saamayn weyn ku yeeshaan go,aamada xasaasiga ee qarankan oo ay keligood Sax iyo Khaladba meel marsadaan, waxaa abuurmi kara Wax aan ahayn wixii aynu u codaynay, ee ahaa inaynu ku dhaqano furfurnaan, Talo waddaag,Wax wada lahaanshiyo, Isxaqdhawr,kaasi oo Dastuurku sal u yahay. Marka aynu ka tagno Qaraabo-kiil,saaxiibtinimo Iyo Nin Jeclaysi Somaliland Qaran buuxa ayay noqonaysaa”.
Ugu dambayn waxa uu yidhi“Waxaan ku soo gabo gabaynayaa Riwaayad yar oo Kaftan ah Boorama markaan joogi jiray Anigoo yar,Waan ku Koray Boorama,Waana magaaladaan ku dhashay,Aad ayaan u jeclahay Boorama, Waxaa jirta Markaan yaraa Riwaayadda ayaan gali jiray, oo riwaayadda marka laggalo Dadku tigidhada ayay goostaan waa la daawadaa, Riwaayadda marka ay Heesta u dambaysaa ay socoto ayaa dadku wada kici jiray,Markay wadda kacaan ayuu Askariga Albaabka joogaana dadkii awoodi waayay inay Tigidho goostaan ee bannaanka ay dhaxantu ku lahaysay uu soo daayaa oo ay soo galaan,Markaa dadka qabku ku jiro ee hanka wayni way baxaan,Waxaan leeyahay Maanta waa intii u dambaysay aad ayaan Xukuumadda ula soo kifaaxay Xisbigaygii ayaan u madax bannaanahay,Waan sii dhaafayaa,waxaan leeyahay ku soo dhawaw waa heestii ugu dambaysay weeyi waa Heestii ugu dambaysay weeyi,Axmed ku soo dhawaw”.

Comments

comments