Somaliland: Wasiir Samsam Oo Labadii Milyan Ee Doorashada Ku Wareejisay Guddiga Doorashada

Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa laba milyan oo dollar ($2,000,000) oo ka dhinayd kharashaadka doorashooyinka ay ugu talogashay xukuumada Somaliland ku wareejisay komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland.

Munaasibadii lacagtan Wasiirka Maaliyada, Marwo Samsam Cabdi Aadan ku wareejinaysay lacagtan labada milyan ee doolar ah oo ka dhacday shalay xarunta Wasaarada Maaliyada Somaliland ayaa waxa ka gudoomay gudoomiyaha Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland oo ay wehelinayeen xubnaha kale ee guddida doorashooyinka ka midka ah.

Ugu horayn Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo halkaasi ka hadashay ayaa waxa ay tidhi “Maanta waxaan halkan sidii balankeenu ahaa in bisha August todobadeeda aan labadii milyan ee dollar ($2,000,000) ee hadhsanaa aan idin siiyo, laakiinse Madaxweynaha waanu wadahadalnay waxaanu yidhi waa in lacagtaa degdeg loo bixiyaa si hadhow waxyaalaha kale loo qabto oo hawlo badan ayaa jira oo ciidamo (security ah) ayaa la rarayaa iyo waxyaabo kale’e, balse horta labadaa milyan ee doorashooyinka ee la xoqayo inay inaga dhamaato oo hay’adaha ajnabiguna arkaan in dad isku fical oo waxooda qabsaday nahay, iyagana waanu uga mahadnaqaynaa waxtarka ay inoo gesteen oo ilaa intii ay inala soo wadeen.

Somaliland waxay doonto ha noqotee doorashada way qabsataa, waana sida uu dhaqankoodu yahay in dalku dimuqraadiyada iyo hadalka iyo ismaaga ay waxooda dacalka haystaan, waana waxa ay halkaa ku soo gaadheen wax ceebana maaha wax la inagu caayana maaha runtii, markaa waxaan odhanayaa labadii milyan ee dollar ee dawladda ku hadhsanaa ee ugu dambeeyey ee wax dambe aynaan isku raacayn maanta ayaan gacanta idinka saarayaa, ‘xadhigiisa qabo aadmi kale kuma xurmeeyaane’, illaahay waxaan idiinka baryayaa inuu idinku kaalmeeyo, hiil iyo hooba waanu idinla garab taaganahay, wixii kale ee soo baxana waanu idinla garab taaganahay oo halkaas ayaanu idiin fadhinaa laakiin taa bal horta laynkeedu ha inaga xidhmo, waxaanan jeclahay inaad naga gudoontaan.” Ayay tidhi Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Maaliyada Somaliland.

Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo isaguna ka gudoomay lacagtaasi labada milyan ee doolar ah wasiirka Maaliyada Somaliland ayaa aad ugu mahad celiyey Wasiirka maaliyada iyo Xukuumada Somaliland, waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa Wasiirka Maaliyada marwo Samsam Cabdi Aadan oo run ahaantii ku dedaashay lacagtaa doorashada iyo tii diiwaangalintaba ay ka hawlgasho sidii ay u dhamaystiri lahayd, falilaahi xamdi maanta ayay noo dhamays tirantay, balantu waxay ahayd bisha August horaanteeda, ayay anaga oo kormeer ku socona ayay nala soo hadashay Wasiir Samsam iyadoo leh lacagtii waan idiin hayaaye ii kaalaya, xalay ayaanu soo hoynay dhamaan Komishannerada oo dhan waxaananu ku jirnaa qabanqaabadii ugu dambaysay ee labadii gobol ee Sool iyo Sanaag oo iyagana qabanqaabadoodii ugu dambaysay aanu soo dhamaystirnay.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdiqaadir Iimaan Warsame.

Si kastaba ha ahaatee labadii Millyan ee dollar ee kuwan ka horeeyey ayay wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan ay ku wareejisay Komishanka Doorashooyinka 10-kii bishii June ee sanadkan 2017-ka.

Comments

comments