Somaliland: Prof. Geedoole Oo Ka Hadlay Xaaladda Dalku Marayo

141

Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Beeraha iyo Waxbarashada Prof:Faarax Cilmi Geedoole, ayaa Madaxweynaha u soo jeediyey talo ku saabsan inuu wax ka qabto dhibaatooyinka iyo khaladaad uu sheegay inay wadaan masuuliyiinta Madaxweynaha ka hoos shaqeeysa, waxaanu tilmaamay inay nidaamkii dawladnimo ay caribayaan, waxaanu sheegay in Xukuumaddu u kala hiilisay Xisbiyadii oo cabudhin, xadhig iyo cago juglayn ay hayso Taageeryaasha iyo Masuulyiinta kala duwan ee Xisbiga Waddani ee Gobolada iyo Degmooyinka dalka.

Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Beeraha iyo Waxbarashada Prof:Faarax Cilmi Geedoole, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa sidoo kale ayaan daro ku tilmaamay inay Xukuumaddu lumiso awoodii ay ku sugi lahayd qiimaha sarifka, kuna kaxamayn lahayd sicir bararka, waxa kale oo uu baaq u diray Komishanka Doorashooyinka oo uu ugu baaqay inay cadaalada ilaaliyaan, waxaanu ugu horeyn yidhi “Mucaaradka Shacabka ayaa u baahan, oo Xisbiyada Mucaaradku waxay joojiyaan Xukuumadda, Xisbiyadana waxaynu u sameeysaynay inaynu ka baxno in cid gaar ahi madaxtanimada dalka isku kooban, xoriyada dadkana la cabudhiyo, markaas waxaynu nahay Saddex Xisbi, markaas in Xukuumaddu u kala hiiliso Saddexda Xisbi, oo Xisbi Qaran xidh-xidho waanu cambaaraynaynaa, waana cabudhin iyo cadaadis, aadna waan uga soo hor jeednaa, dadka Xisbiga Waddani ee xidhxidhan, xadhigooduna waa sharci daro, cida falkaas ka dambaysana waanu cambaaraynaynaa, Dawladdana waxaan leeyahay ha ku soo noqoto caqligeedii saxda ahaa, waxyaabaha caynkaas ahna horumar ku gaadhi mayso, ee waa lagu burburayaa, ee aynu ilaalino Sharciga inoo yaala iyo Dastuurka”.

Geedoole mar uu ka hadlaayey Sicir bararka ayaa yidhi “Runtii Xukuumaddani waxay maraysaa xaalad aad iyo aad u xun, waxaanada mooda inay taladdii aanay gacanta ugu jirin, waxyaabaha ay shacabku u doonayaan inuu is bedel yimaadana waxa ka mid ah sicir bararka iyo dhaqaalihii dalka oo xumaaday, haddii dhaqaaluhu noqon waayo mid la ilaaliyo, oo Bangiga Dhexe shaqeeyan waayo waa dhibaato, cida maanta qiimaha Sarifka sameeysa waa Sariflayaal iyo dad suuqa jooga, Xukuumadduna shaqaba kuma laha, markaas runtii Xukuumaddani awoodeedii ay ku sugi lahayd qiimaha sarifka iyo xakamaynta sicir bararka wey lumisay”.

Geedoole mar uu fariin u diraayey Madaxweynaha ayaa yidhi “Runtii Madaxweynaha aad iyo aad baan u ixtiraamayaa, balse Madaxweynaha inta ka hoos shaqeeysa ayaa ah inta wax weecinaysa, Madaxweynahana waxaan ugu baaqayaa khaladaadka wadanka ku soo batay ee ay wadaan inta ka hoosaysa inuu wax ka qabto, haddii uu wax ka qaban waayana, taasi waxay keenaysaa in burbur inagu dhaco, haddii ay sidaas ku sii socotana nidaamku sidee ayuu ku shaqeeynayaa, sababtoo ah foodo iyo dhib ayaa imanaya, markaas Madaxweynaha waxaan leeyahay adiga ayaa lagu doortay, ee dadka aan la dooran ee dalka qaribaya ka qabo”.

Mar aanu wax ka weydiinay Geedoole sida uu u arko iibka hantida qaranka ee Xukuumadda ayaa ku jawaabay “Barnaamijka iibka hantida ama dhulka qaranka, haddii uu yahay Barnaamij ku dhacaya qasnada dawladda, dawladduna iyada ayaa taas masuul u ah, laakiin haddii si khaldan loo iibinayo qof kasta oo muwaadin ahi wuu diidayaa, waana sharci daro, balse wixii la iibinayo in si sharciya loo iibiyo, oo la mariyo nidaamka qandaraasyada, wuxuu noqonayaa iibkaasi mid waafaqsan nidaamka sharciga ah, mana haboona in sifo sharc aan sharciga waafaqsanayn hantida umadda lagu iibiyo”

Geedoole mar uu baaq u diraayey Komishanka ayaa yidhi “Komishanka waxaan ugu baaqayaa inuu si cadaalada ah u shaqeeyo, waayo iyaga ayaa ka masuul ah Doorashada, Komishanku haddii uu si cadaalada ah u shaqeeyan waayana wixii dhibaato ah ee dhaca iyaga ayaa ka masuul ah, markaa waxaan leeyahay Komishanka, Xisbiyada iyo Xukuumaddaba waa inaynu Dastuurka ilaalino”.

Mar uu baaq nabadeed u diraayey beelaha dagaalamay wuxuu yidhi“Labada Beelood waxaan ugu baaqay inay u soo noqdaan si caqli leh, oo walaaltinimo leh, in nabadgalyada la soo celiyo, oo la raadiyo sidii loo gaadhi lahaa heshiis waara ayaan ku talin lahaa”.

Comments

comments