Dadka ku nool Caasimada London ayaa waxay aad ula yaabeen noole muddo dul heehaabayay Magaaladaasi, noolahan ayaa la sheegay inuu middabkiisu Madaw ahaa isla markaana uu marrarka qaar middabkiisa baddalayay, iyadoo marrarka qaar uu aad usoo dhawaanayay, balse inta badan waxa uu kala dhex galayay darruuraha,
Wargeyska Daily Mail oo lagu soo bandhigay oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ayaa lagu sheegay in noolahani uu marrarka qaar weynaanaya oo uu u eekaanayay raxan shimbiro ah oo wada socoda, xarunta magaceeda la yidhaahdo Aden ee ka faaloota arrimaha la xidhiidha deegaanka ayaa waxay sheegtay in noolahani uu u eeg yahay noolayaasha ku nool meerayaasha kale ee inagu xeeran balse wax faahfaahin ah oo intaasi dheer kama ay soo saarin, sidoo kale dadka ku dhaqan magaalada London ayaa arrintaasi aad ula yaabay kana duubay muuqaaalo aad u badan.