Waddamada Ugu Shilalka Badan Leh Adduunka ! Balse Somalia Xagay Kaga Jirta

Shilalka Gaadiidka ayaa ah kuwa ugu badan ee sababa dhimashada dadka ee guud ahaan dalalka Adduunka, waxaanay shilalkaasi ku badan yihiin Dalalka soo kobcaya marka la eego sida lagu xaqiijiyay tirakoob lagu sameeyey shilalka dhinaca gaadiidka ee ka dhaca guud ahaan dalalka Adduunka.

Dalka Adduunka ugu shilalka badan ayaa lagu sheegay inuu yahay Jamhuuriyada Dominican, halka Dalka Labaadna uu noqday Dalka Thailand, sidoo kale Dalka Venezuela ayaa noqday Dalka Saddexaad, Dalka Iran ayaa isna waxa uu galay kaalinta afraad, Dalka Nigeria waxa uu noqday Dalka Shanaad ee ugu shilalka badan adduunka, guud ahaan Dawladaha Adduunka ayaa had iyo jeer wacyi galiya Waddayaasha gaadiidka kuwaasi oo ku wacyigaliya inay had iyo jeer hoos u dhigaan xawaaraha ay ku soconayaan, waxaana shilalka gaadiidka qaarkood loo aaneeyaa dayactir la’aanta waddooyinka.

Comments

comments